Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Maanta Galaysa Dacwadii Xisbiga UCID

0
932

Maxkamadda distooriga ah ee Somaliland ayaa maanta gudo galaysa dacwadda xisbiga UCID, ka dib markii uu guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe maxkamadda u gudbiyay rafcaan uu ka qaatay go’aan ay hore khilaafka xisbiga uga soo saareen guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Garsoorayaal uu horkacayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa saaka si rasmi ah u gudo gelaya dacwadan siyaasiga ah oo ah mid xaasaasi ah oo ay bulshadu u dheg taagayso natiijadeeda, mana cadda in dhagaysiga dacwadu maanta ku koobnaan doono iyo inuu maalmo kale socon doono.

Shacabka Somaliland ayaa isha ku haya dacwadan oo muddo soo jiitamaysay, una dhaxaysa Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo si adag isugu seegan xisbiga UCID.