Somaliland: Maraykanka Oo Maanta Madaxweyne Silanyo U Soo Diraya Weftigii Ugu Cuslaa Oo Ka Dalbanaya Inuu Ka Noqdo Go’aankiisa Uu Dib Ugu Dhigayo Doorashada Wakiilada

0
830

Dawladda Maraykanka ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo dirtay wefti culus oo diblomaasiyiin ah oo culays ku saara inuu ka noqdo go’aanka uu ku kala qaadayo labada doorasho islamarkaana uu dib ugu dhigayo doorashada golaha wakiilada. Weftigan ayaa ah weftigii ugu cuslaa ee dawladda Maraykanka ka socda ee muddooyinkan dambe socdaal ku yimaada caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan, oo maanta dalka imanaya ayaa waxa ay kulan la yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, waxaanay u gudbin doonaan mawqifka dawladda Maraykanka ee go’aanka uu Madaxweynaha Somalialnd ku kala qaaday labada doorasho, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo ka dalban doonaan inuu ka noqdo go’aankaas si aanu dhaawac ugu iman kalsoonida iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiintan Maraykan ahi, waxa ay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u muujin doonaan in talaabadani haddii aanu ka noqon ay dhaawici doonto kaalintii ay qaadhaan bixiyayaashu kaga jireen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorasho ee Somaliland, waxaanu mawqifkoodu la mid yahay bayaankii ay dawladda Ingiriiska oo ka wakiil ah beesha caalamka oo Maraykanku ka mid yahay ay ku cadaysay  sida ay uga soo horjeedaan go’aanka Madaxweyne axmed Maxamed Siilaanyo.

Hase yeeshe lama saadaalin karo jawaabta uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixin doono aragtida Maraykanka iyo inay la mid noqon doonto jawaabtii uu hore ugu gudbiyay weftigii Ingiriiska iyo inay ka duwanaan doonto.

Wufuud kale oo ka socda Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer Yurub ah ayaa iyaguna isla toddobaadkan soo gaadhaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyagoo xukuumadda Somalialnd soo gaadhsiin doona aragtidooda taban ee ay kaga biyo diideen in la kala qaado labada doorasho.

Socdaalada wufuudan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay golaha wakiilada oo ah xildhibaanada muddada loo kordhinayo, doorashadoodana dib loo dhigayaa aqbalabiyad ku ogolaadeen  soo jeedinta madaxweynaha ee ah in la kala qaado labada doorasho.