Somaliland: Madaxtooyada Oo Liiska Muxaafidka Ku Darsatay Shacabka Gobolka Saaxil, Sheegtayna In Aanay Mucaaradad Ka Fileyn

0
722

“Qaranka waxbaa loogu qaybinayaa si caddaalad ah, maaha waxa loogu badinayey Axmed Siilaanyo ayaa la xiddid ah Saaxil..” Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa  ka hadlay waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed SIilaanyo ay ka hirgalisay Gobolka Saaxil.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay Gobolkaasi ka hirgalisay mashaariica horumarineed oo baaxad leh, isaga oo sidoo kalena meesha ka saaray inay Xukuumaddu shaki ka qabto shirka baxarasaafka oo dadka deegaankaasi ay u ballansan yihiin.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa arrimahaasi kaga hadlay munaasibad lagu furayey laba dugsi oo Boodhin ah oo ay hirgalisay guddida horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iy Duco waxaanu yidhi“ Waxaanu ka mahad celinaynaa soo dhawaantii qiimaha badnayd ee madaxweynaha iyo Weftigii la socday naloo sameeyey, mar labaadka waxaan hambalyeynayaa guddida horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iy Duco guusha wayn ee ay ku tallaabsadeen iyo labadan dugsi ee Boodhinka ah ee ay sameeyeen, ILAAHAY-na waxaanu uga baryeynaa inuu miisaanka xasanaadkooda ugu biiriyo. Arrintani waxay tusaale cad u tahay in ummaddu marka ay isu tagto inay wax qabsan karto, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaamiyaha ka yahay ee xisbiga KULMIYE waxa ka mida arrimihii ay qarankan ku soo kordhisay in dadka la guubaabiyo, laguna abuuro hammi wax-qabsi iyo himilo dheer, Lixdii sano wax badan ayaa arrimahaas lagu qabtay, waddooyin ayaa ku dhismay, Guddiyadii horumarinta ee deegaamadu horumarku wuxuu u kala badnaa sidii ay u kala tamar badnaayeen, ama u kala quudhid badnaayeen oo guntiga dhiisha iska dhigeen, mid kaliya horumarkaa oo ay xukuumaddu ka maqan tahay ma jiro, qollo waliba xawligay ka waday ayaanu anaguna siyaasad ka dhiganay in aanu wax ku biirino.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka ka qabsoomay Saaxil waxaanu yidhi “Madaxweyne Siilaanyo Xukuumaddiisu wax badan ayey gobolkan ka qabatay, waxaan odhan karaa gobolkan iyo xisbiga KULMIYE isku dhiig ayey noqdeen, wixii laga qabtayna waa wax cad oo aan ciddina dafiri karin, sida cadceeddaa aynu aragno, sida labadaa Iskuul ee aynu joogno, indhihii caafimaadka qabaa way arkaan. Waxyaabaha gobolkan laga qabtay ee bartilmaameedka ah waxa ka mida, qorshe ayaa loo sameeyey wax badan ayaa ka najaxay qorsheyaashaas, mashaariicda SDF illaa dhawr iyo toban milyan oo doolar ayaa gobolkan Saaxil la galiyey. Muddadii lixda sano ahayd wax badan oo aan dhawr iyo tobanka sano ee kale ka qabsoomin ayaa gobolka Saaxil ka qabsoomay, maaha been iyo faan ee waa run, waa waxa lagu xisaabin doono Axmed Siilaanyo Xukuumaddiisa iyo xisbiga KULMIYE.”

Wasiirka Madaxtooyada, ayaa sidoo kalena meesha ka saaray inuu jiro shaki ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka qabto shirka beesha deegaanka Saaxil waxaanu yidhi “Qaranka waxbaa loo qaybinayaa waxna waa loo qorshaynayaa si caddaalad ah, maaha waxa loogu badinayey Axmed Siilaanyo ayaa la xiddid ah Saaxil, hasa-yeeshee waxa la qiimaynayey waa hal-bawlaha dhaqaalaha ee Qaranka, in wax lagu celiyo qarankan waa lagama maarmaan, dakhliga qarankan kala badh ayaa ka soo baxa Berbera, Baahiyaha yaalana in wax laga qabtaa waa muhiim, halkaas ayaanu ka sii wadi doonaaa. Gobolka Saaxil bulshada taalla waanu hambalyeynaynaa, sida ay u taageereen waxqabadkaa, sida ay u soo dhaweeyeen, gobanimada reer Saaxil-na waanu qiraynaa. Saaxiibkay Saciid Cilmi-na waxaan leeyahay Shirka baxarasaafka kama shakisanin oo Saaxil waxaas ayaanu ka qabanay, dawladuhu way is qiimeeyaan, mucaaradad xoog leh halkan ka filli mayno, waayo? waxaanu ku leeyahay dayn faro badan, isagana waanu soo dhawaynaynaa.”  Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.