Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Meel Adag Iska Taagay Dhawaaqyada Beesha Caalamka Ee Kala Qaadista Doorashooyinka Iyo WADDANI Oo Afkiisa Biyo Buuxiyeen

0
825

“In la kala qaado Doorashooyinka waxa keentay Durruuf, wax kastana waxa laga horreysiinayaa Danta iyo Nabadgalyada Somaliland…” Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaanu sheegay in Go’aankaasi ahaa mid sax ah.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu daadafeeyay dhawaaqyada Dalalka Reer Galbeedka ee Somaliland ka taageera Doorashooyinku ku diiddan yihiin kala qaadista Doorashooyinka, waxaanu sheegay in kala qaadista Duruufi keentay, sidaa daraadeedna wax kasta laga hor-marinayo Nabadgalyada Somaliland.

Faysal oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “in la kala qaado Doorashooyinka waxa keentay Durruuf, wax kastana waxa laga horreysiinayaa Danta iyo Nabadgalyada Somaliland. In Reer Galbeedku noola yimaaddaan been ay ku soo akhriyeen Dad Reer Somaliland ahi waa arrin fool xun.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii watta, ayaa sheegay, “Qaybinta Kuraasta Golaha Wakiillada waa tii aanu ku dhacnay ee aanu qaybin kari weynay, waana tii la ogaa halkii Gobollada qaarkood iska taageen, Sool iyo Bariga Sanaag oo kalena kuma qanacsanayn Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada, markaa haddii Madaxweynaha oo Masuuliyaddu saaran tahay uu Xal u arkay in Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigo Xal la isla wada ogol yahayna loo helo muranka Saami-qaybsiga, Anigu dhibaato uma arko.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Beesha Caalamku way ila soo hadleen, waxayna yidhaahdeen waxaanu doonaynay inaad Labada Doorasho mar wada qabataan, lacagtiina waanu haynaa, laakiin haddaad kala qaadeen ta dambe (Lacagteeda) ma hayno ayay yidhaahdeen.”

Geesta kale, Xisbiga WADDANI oo Wargeyska HIMILO la xidhiidhay si uu wax uga waydiiyo Aragtidiisa la xidhiidha dhawaaqa Beesha Caalamku ku diiddan tahay kala qaadista Doorashooyinka iyo ansixinta Golaha Wakiillada ee Go’aankii Kala qaadista, ayaa gabi ahaantoodba afka ka xidhay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro oo aanu Xalay dhowr jeer kala xidhiidhnay Telefoonkiisa Gacanta, ayaan mar kaliya ka jawaabin ama qabanin, halka Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo aanu Telefoonka ku helayna aanu ka jawaabin su’aalihii aanu arrintan ka waydiinay, isagoo ku cudur-daartay inuu nala soo xidhiidhi doono, kadibna aan mar dambe naga qaban taleefankii.