Somaliland: Dacwadii Xisbiga UCID Oo Ka Bilaabantay Maxkamada Sare Somaliland Iyo Dhinacyada Ka Soo Xaadiray.

0
834

Dacwadii u dhaxaysay Garabyada Xisbiga UCID ayaa saaka ka bilaabantay Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah.

Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa kala hoggaaminayay dhinacyada dacwadu u dhaxayso ee saaka ka soo qaadiray Maxkamada, iyadoo labada dhinacba ay wehelinayeen qareenadoodu.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaji Cali ayaa guddoominaayay Maxkamada Saaka furantay, waxaana la filaaya inay isla Todobaadkan go’aan kama danbays ah ka soo saarto Muranka Xisbiga UCID.