Somaliland: Shilalka Gadiidka Oo Sii Badanaaya Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Jidka Kula Kulmay Shil Naxdin Badan

0
736

Shilalka gadiidka ka dhasha oo sababa dhimasho iyo dhaawac ayaa faraha ka sii baxaaya kuwaas oo ay ka dhashaan dhimasho aan xad lahayn.

Waxay ahayd saaka aroor yadii hore markii wefti balaadhan oo aan la socday islamarkaasina uu Hoggaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) aanu u jarmaadnay degmada Dacarbudhuq, markii aanu soo noqonay ayaa waxaa dhacday in gaadhi nooca loo yaqaano VITS-TA ama Dukhaantu oo xoog u soconayaa uu is yidhi dhaaf gaadhi booyad ah kadibna waxa ay si aad u fool xun isugu dheceen gaadhi laangaruusal ah oo ay wateen qaar ka mida ciidamdda ilaalada u ah Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Shilkan oo wax yar hadda kahor dhacay ayaan ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, waxaana Cisbitaalka Hargaysa loo qaaday dhaawaca qaar kamid ah ilaaladii Guddoomiyaha Xisbiga WADANI iyo darawalkii waday gaadhigii yaraa ee Dukhaanka ahaa.

Dadka ilaa hadda dhaawaca ah ayaa gaadhaya shan ruux. Geesta kale Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa indhihiisa ku arkay mashaqada ka dhalatay shilkaas, isagoo is dultaagay dhaawacii labada gaadhi ku wax yeeloobay oo dhiiga shalakhsanaaya. Xukuumadda iyo laamaha u qaabilsan wado marista ayaan ilaa hadda ku guulaysan sharciyo lagu kala hagaayo Gadiidka oo ku sii badanaaya dalka Somaliland.