Somaliland: Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee UCID Oo Ka Hadlay Dhagaysiga Dacwada Xisbiga Ee Axada Iyo Warar Laysla Dhexmaraayo.

0
872

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa ka hadlay dhagaysiga dacwada Xisbiga UCID oo khamiista ka bilaabmaysa Maxkamada Sare, iyo warar suuqa laysla dhex maraayo. Muj: Cali Guray oo arrimahaas kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignayd sidan.

Go’aanka Maxkamadda Sare ku dhawaaqi doonto dad baa caawa suuqa wadwada. La lahaa sidii Faysal yidhi Jamaal maaha musharaxa rasmiga ah ayuu noqonayaa. Ninka ku dhawaaqi doonaa ayay leeyihiin ma noqon doono Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee waa xubin kale oo isla reerka (HA) ka soo jeeda. Run ahaa been ahaa mooyi!

Arinka rasmiga ah ee la isku hayayna kaas ayuu ahaa.
Hadii ay run tahay waxay noqonaysaa in musharax Jamaal Cali Xusena ku biiro ragii hore ee loo dilay Musharaxa Kulmiye waxanay meesha ka saaraysaa in doorasho iyo tartan lagu kala heli doonin kursiga Madaxwaynaha ee ninkii xoog leh ee isagu buur ah buurna ku tiirsani gar iyo gardarroba uu shan farood iyo calaacal ku qaadanayo. Taa macnaheedu waxa weeye musharaxa soo hadhay ee mucaaridka ahi hadii uu 90% helo codadka in aanu jirin kursi uu ku fadhiisan doonin. Tii Allehna maqan oo wax aan looxal maxfuudkiisa ku sii qornayn oo dhici karaana ma jirto.

Markaa bal aan isu eegno Adoon Ilaahay talo saartay cidna aan dulmayn daacadna ah iyo qof qof talo saartay oo aan Ilaahay wax kalsooni ah ku qabin. Anigu waxan leeyahay

(LAN YUSIIBUNA ILAA MAA KATABALLAHU LANAA HUWA MAWLAANAA FACALALAAHI YATAWAKALUL MU’MINIIN)

Ali Guray.