Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Iyo Siyaasiyiin Kale.

0
770

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay Madaxweyne ku Xigeenkii hore ee Puntlnd Mudane C/samad Cali Shire .

Waxaana Hadhimo sharafeedkan ku sugnaa siyaasiyiin miisaan ku leh gobolada bariga Somaliland, oo ay ka mid ahayeen Wasiirkii hore ee shaqada Mudane Cali Sandule, Wasiirkii hore Biyaha Xuseen Axmed Cabdale , General Boodhle, sidoo kale waxaa madashan ku sugnaa madax kale oo uu ka mid aha Generaal Cumar Kirix iyo Masuuliyiin kale .

Kulankan ayaa nuxurka qodobadii la isla soo qaaday uu biyo dhacoodu ahaa, sidii looga wada shaqeen lahaa dhisidda qaran la wada leeyahay oo cadaalad ku dhisan . Sidoo kale waxaa la isla qaatay in door muuqda laga qaato gogosha nabadeed ee uu Madaxweyne Siilaanyo fidiyay, ee Burco ka dhici doonta .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay sidii Deegaannada Gobolka Sool ay uga qabsoontay Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha .

Geest kale Madaxweyne ku Xigenkii hore ee Puntland C/samad Cali Shire ayaa Gudoomiye Faysal uga mahad naqay hadhimo sharafeedka uu ku maamuusay .