Somaliland: Musharixiinta Ka Cowday Go’aanka Madaxwayne Siilaanyo ku kala Qaaday Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada

0
742

Qaar ka mid ah xildhibbaanada u sharaxan ka qeyb-galka doorashada Baarlamaanka Somaliland ee golaha Wakiilada oo  ay weheliyaan qeybo ka mid ah bulshada Ra’yidka ah, ayaa waxa ay ka soo horjeesteen go’aanka Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan ku laalay doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana ay  caddeeyeen in ay go’aankaas u ay arkaan mid aan umadda dan u ahayn.

Xildhibbaanadan iyo qeybaha ka mid ka ah bulshada ra’yidka ah oo iskugu jiray haween, dhallinyaro, madax-dhaqameed, ururo bulsho iyo weli ba siyaasiyiin, ayaa waxa ay hadalkan ka sheegeen  shir-jaraa’id oo ay saaka ku qabteen Hotel Maamuus ee Hargeysa.

Qaar ka mid ah xildhibbaanada oo halkaas ka hadlay,ayaa madaxweyne Siilaanyo ku dhalliilay in uu go’aan ka gaadhi kari waayey isla mar ahaantaana uu ka meer-meeraayo siddii uu xal uga soo saari lahaa arrinta saami-qeybsiga golaha Wakiilada oo muran adagi ka taagan yahay.

“Mudane Madaxweyne, warqadda saddexda bog ah ee aad saacadaha badan qoraysay ee aad ku laashay doorashaddii Wakiilada, Maxaad wax bulshadu ay ku qanacdo oo saami-qeybsiga Wakiilada ah ugu qori wayday haddii aad bulshada wax la rabtid. Go’aankaas waanu cambaareynaynaa haddii aanu nahay Murashaxiinta u taagan ka qeyb-qaadashada tartanka Doorashada Baarlamaanka, waxa aanu u aragnaa mid sharciga baal marsan oon dan u ahay qaranka Somaliland. Waxaana aanu baaq dheer u direynaa daneeyeyaasha Doorashada ee caalamka, annaga oo leh go’aankaasi maaha mid aanu aqbali doono.”.Ayey yidhaaheen qaar ka mid ah Murashaxiinta halkaas ka hadlay.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa  dhankooda iftiimiyey sida ay shacab ahaan diyaarka ugu yihiin doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana ay  muujiyeen in ay kasoo horjeedaan go’aanka madaxwayne Siilaanyo ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo baarlamaanka.