Somaliland: Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Shirkii IGAD Iyo Qodobka Midnimada Ka Hadlaya Oo Uu Sharaxay Sababta Mar Kasta Loogu Daro War-murtiyeedyada

0
1048

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay shirkii Urur Goboleedka IGAD ee ka qabsoomay Somaliya, ee lagu soo hadal qaaday midnimada Somaliya, waxaanu sheegay in mar kasta oo shir la isugu yimaado ay iska magac u yaal iyo maamuus tahay in midnimada la soo hadal qaado, laakiin dawladda Somaliland looga baahanyahay in la sameeyo dedaal lagaga hortagaya.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu Madaxweynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada. Isagoo ugu horayn ka hadlaya shirka IGAD ee war-murtiyeedkiisa midnimada lagaga hadlay wuxuu yidhi “Shir kasta oo IGAD ah ama Shirarka Golaha Amaanka waa la yidhaahda midnimada Somaliya waa muqadas,baratakoolada ayey ka mid tahay marka arrimahaas la soo hadal qaadayo, laakiin waxa loo baahan yahay inay Somaliland arintaas dedaal aad iyo aad u xoog badan ka gasho, waxaanan Xukuumadda Somaliland u soo jeedin lahaa sidii loo soo afjari lahaa arinta ku shuqul leh midnimadii la iskugu yimid lixdankii,oo laba Dawladood oo walaal ah oo wada shaqeyn kara aynu noqono, Xukuumadduna waa inay la timaada fal curis waana inay ka hadashaa sidaasi sidii ay u suurtoobayso, oo qaddiyada madax banaanideeda u jeedisaa  Beesha Caalamka, Wadamada Geeska Afrika, caamatan dadka Soomaaliyeed iyo  dadka Soomaaliyeed ee Somaliya degan ee aynu lixdankii  aynu isku darsanay, arintu waxay u baahan tahay in Ictiraaf raadintu halka ay taalo in laga eego oo meel aanu ictiraaf ka soo baxayn aan wax wakhtiya la iskaga lumin”.

Ismaaciil Buubaa, wuxuu sheegay inaanay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ahayn goosasho ee ay tahay la soo noqosho madaxbanaani, “Somaliland codsigeedu maaha goosasho laakiin waa soo celinta madaxbanaanidii ay heshay lixdankii.” ayuu yidhi Buubaa.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko aragtidiisa ku waajahan go’aankii Madaxweynaha ee kala qaadista labada Doorasho ayaa ku jawaabay “Qanuun Maxkamadeed ayaa meesha yaala,qanuunka Maxkamaddana ciddi kama sarayn karto, Madaxweynuhu wax qaanuunka khilaafsan ma keeni karo, Baarlamaanku ma keeni karo Guurtiduna ma keeni karto, kol haddii arintii lagu heshiiyey ee qanuunku ku saleeysnaa ayaa looga fadhiyaa in lagu dhaqmo dadka reer Somaliland”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlay aragtida Beesha Caalamka iyo kala qaadista labada Doorasho ayaa yidhi “Waxa Caalamka jira qanuunka sharciya, waxaana Caalamku isku xukumaa xukun, xukunkana cidi kama hor tagto, Calaamkuna waxa uu uga fadhiyaa Dawladda Somaliland inay xukunkaas fuliso, sidaas ayaana looga fadhiya Dawladda Somaliland”.