Somaliland: “Saxaafaddu Waa Rugni Muhiim U Ah Nidaamkeena Siyaasiga Ah Ee Aynu Qaadanay, Dasuurkaana Qayaxaaya Xuquuqda Saxaafadda”. Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland.

0
735

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Shirka IGAD ee shalay ka furmay Muqdisho, waxaanu sheegay in Shirkaasi aanu ahayn mid Somaliland khuseeya, waxaanu IGAD iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay inay tixgaliyaan madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in saxaafadda iyo xukuumadda mid walba looga baahanyahay inuu ilaaliyo Dastuurka iyo xuquuqda ay leeyihiin, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, Wasiirka oo aanu ugu horeyn wax ka weydiinay Shirkan IGAD ee ka furmay Muqdisho ayaa yidhi “Shirka IGAD ee ka furmay Muqdisho, kamuu furmin Somaliland ee Somaliya ayuu ka furmay, kamana xumin, balse IGAD waxaan leeyahay marnaba ha isku khaldina Somaliland iyo Somaliya, waa laba wadan oo kala madax banaan, IGAD oo qudha maaha ee Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo guud ahaan Beesha Caalamka waxaan leeyahay jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland waa muqadas wax walba iyo shuruud walba oo Wadan looga baahan yahayna waanu fulinay, oo waanu buuxinay, ee marnaba ha nagu khaldina Somaliya, waxaana mar walba wanaagsan in lagu soo dhawaado xaqiiqada Somaliland waa wadan jira oo xad caalamiya leh, oo Calan leh, oo Ciidan leh oo Dastuur leh, oo Madaxweyne leh, oo Maxkamad leh oo Barlamaankiisa leh, haddii aanu nahay Somaliland waxaanu doonaynaa in aanu Somaliya noqono Wadan aanu jaar nahay, oo uu naga dhexeeyo wanaag, oo aanu ku wada noolano jaarnimo iyo xidhiidh wanaagsan”.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Kenya iyo Somaliland ayaa yidhi “Kenya waa Wadan cilaaqaad taariikhiya aynu leenahay,waxa Kenya ku nool dad badan oo reer Somaliland ah, halka dad badan oo Kenya u dhashayna ay ka shaqeeyaan Somaliland, waxaanu doonaynaa in xidhiidhka inaga dhexeeya Kenya in aanu sii xoojino dhinaca walba, haddii ay tahay adeegyada arrimaha Bulshada, Waxbarashada iyo dhinaca walba, mana haboona inay Somaliya ka xumaato xidhiidhka labada dal”.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu ka hadlaayey Saxaafadda Somaliland ayaa yidhi “Saxaafaddu waa rugni muhiim u ah nidaamkeena siyaasi ee aynu qaadanay, Dastuurkana qeexaya xuquuqda Saxaafaddu leedahay, xaqa iyo xuquuqda ay Saxaafaddu leedahay, Dawladduna waa inay ilaaliso xaqa lagu leeyahay, Saxaafadduna waa inay ilaaliso milgaha iyo xaqa lagu leeyahay,waxaana labada dhinacba looga baahan yahay in masuuliyad la isa saaro sidii loo xaqiijin lahaa qodobada Dastuurka ee khuseeya”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera oo uu sheegay in wax weyn ka tari doonto horumarka iyo dhaqaalaha dalka.