Somaliland: Gaadhi Nooca Dukhaanka Ah Oo Dhallinyaro Dalxiisayaal Ah Kula Qallibmey Meel U Dhaxeysa Burco Iyo Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashey.

0
722

Wararka ka imanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta uu shil baabuur oo khasaare dhaawac leh ka dhacay tuulada Huddisa ee gobolka saaxil.

Gawaadhigan oo ahaa nooca loo yaqaano Tukhaanka ama Vitz-ka,ayaa siday sida ay wararku sheegayaan dhallinayro dalxiisayaal ah oo u socday magaalo xeebeedka ee Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Dadkan oo ahaa dalxiisayaal doonayey in ay ku soo dabbaashaan badda Berbera ayaa gaadhigii ay saarnaayeen kula qallibmey meel u dhow Tuulada Huddisa ee gobolka Saaxil,dadkan ayaan illaa hadda la garaney inta dumar ah iyo ragga saarnaa gaadhigaasi yar ee dukhaanka ah.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmey 5 qof,kuwaasi oo sida la sheegay ay saddex kamida dhaawacydaasi ay xaaladooda caafimaad aad u liidato,mana jiro wax dhimasho ah.Dhaawaca dhallinyaradan ayaa loo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada Burco.

Maalinimadii ciiddiina waxaa ay shilal kala duwani ay ka dhaceen degmada Sheekh ee xarunta gobolka Saaxil iyo magaalada Gabiiley ee dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa,kuwaasi oo sababey dhimasho iyo dhaawacba.