Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kala Qaaday Labada Doorasho, UCID iyo Waddani Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Iyo Faysal Oo Iftiimiyay Mawqifka Beesha Caalamka

0
844

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu shalay soo saaray wuxuu ku kala saaray labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo uu sidoo kale hore digreeto ugu sharciyeeyay inay wada qabsoomaan 27 March 2017.

Digreetadiisa, wuxuu Madaxweynuhu kala qaadista doorashooyinka sababta koowaad uga dhigay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada qaarkood.

Madaxweynuhu wuxuu digreetadiisa ku go’aamiyay afartan qodob oo kala ah

1.   in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.

2.   in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

3.   in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.

4.   in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go’aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Ugu dambayn, wuxuu isagoo codsi u diraya golaha guurtida, wuxuu yidhi “Sidaa darteed, waxaan Mudanayaasha Golaha ka codsanayaa in ay ansixiyaan go’aanadan,si buuxdana u taageeraan.

Ugu danbayn, ka dib marka uu goluhu ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah go’aanadan xalka u ah xaaladda taagan, waxaan u gudbin doonaa idam Eebe Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Mawqifka mucaaradka

Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa si weyn ugu kala aragti duwan go’aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku kala saaray labada doorasho.

UCID

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka Madaxweyne Siilaanyo, maadaama oo ay markii hore kalsooni siiyeen, wuxuuse xusay inuu u soo dhawaynayo si taxadar leh, “Madaxweynihii hadduu xal waayay oo uu qaybin kari waayay sidaanu u qaybin karin weynay oonu nidhi taladaad goyso waanu raacsanahay, dee horta waa arrin dhici karta oo macquul ah, annaguna haddaanu nidhi taladaada waanu ogolnahay waanu taageersanahay qodobkiisa.” ayuu yidhi Faysal oo intaas raaciyay “Markaas annagu si taxadar leh ayaanu u soo dhawaynaynaa, laakiin waa inuu madaxweynuhu na tusaa wakhtiga la kordhiyay inuu yahay wakhti macquula iyo dib u habayn lagu samaynayo golaha wakiilada.” ayuu yidhi Faysal.

Faysal, wuxuu sheegay in laga yaabo in beesha caalamku ganafka ku dhufato go’aanka Madaxweyne Siilaanyo oo ay diido inay bixiso dhaqaalaha doorashada madaxtooyada, “Beesha Caalamku arrintan way diidaysaa, waxaana laga yaabaa inaanay dhaqaalaha bixin, waa in loo diyaar garoobaa wixii dhibaato ka iman kara beesha caalamka.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waddani

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga horyimid go’aanka Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen talaabo doorashooyinka dib loogu dhigayo “Umaddan waxay wakiil kaga ahaayeen in madaxweynuhu fuliyo digreetadiisii iyo go’aankii goleyaasha qaranka ee ay maxkamadda sarena ansixisay taas hadduu maanta si toosa ah u jebiyay waxaanu u aragnaa qayral distoori iyo qayral sharci, oo lagu doonayo sabab dib loou dhigo doorashooyinka.” sidaas waxa yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Waddani oo intaas raaciyay “Annagu waxaanu u aragnaa inaanay xal ahayn muddo la kordhiyaa, saami qaybsiga in muddo kordhin lagu daweeyaa xal maaha.”