Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Kala Qaadista Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada.

0
958

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynuhu soo saaray ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo waraysi khadka telefoonka ku siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da caawa, waxa su’aalihii la waydiiyey iyo jawaabihii uu ka bixiyey u dhaceen sidan.
Su’aal: Guddoomiye sideed u aragtaa go’aanka Madaxweynuhu soo saaray ee uu ku kala qaaday labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo inay dhacaan u muddaysnaa 27 March 2017, laakiin u dib u dhigay doorashii Wakiillada?.

Jawaab: Qaranka oo dhan buu Madaxweynuhu talo waydiiyey, Golaha Wakiilladu waxay keeneen arrintu inay adagtahay oo aanay gali karayn, qolada ururrada bulshada rayidka oo xog-ururin sameeyey waxay iyaguna keeneen warbixin ah gobolladu siday u kala fog yihiin iyo in hawshani aad u culustahay oo waqti badan u baahan tahay, waxa iyaguna keenay warbixin ay ka soo qaadeen gobollada oo dhan waxay noqotay gobollada oo kala fog iyo arrintan u baahan in dhinacyo badan laga eego.

Waxaan ku heshiinay in qaraarka Madaxweynuhu soo saaro aannu u hoggaansanno, Madaxweynuhu markuu dhan walba ka eegay wuxuu talo mooday oo ay ila tahay inay sax tahay marka loo eego duruufaha gobollada bari ee Sanaag-bari, Sool iyo Buuhoodle, marka la eego cabashada Awdal waxay ila tahay inay waaqici iyo in danta Qaranku ku jirto in arrintaa si mug leh oo loo wada dhan yahay loo wada gorfeeyo.”

Su’aal: Madaxweynuhu marar badan wuxuu sheegay in aan maalin loogu darayn xilkiisa, xisbiga WADDANI madaxdiisu markii ay hadleena waxay yidhaahdeen xataa ballanqaadka uu Madaxweynuhu qaaday maanta ee ah inuu doorashada Madaxweynaha xilligeedii ku qabanayo in aanay ku kalsoonayn, maxaa damaanad ah oo aad haysaa adigoo Guddoomiyihii iyo murrashixii KULMIYE ah in doorashada Madaxtooyadu xilligeeda ku dhacdo?.

Jawaab: Qadar Ilaahay iyo wax innaga wayn oo ah awood ka baxsan gacanteenna mooyee, laakiin anigu waxaan hubaa xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan iyo Madaxweynahaba inay ka go’antahay doorashada Madaxweynuhu inay maalinteeda ku dhacdo.

Xisbiga WADDANI muu hadal murrashaxoodii ama guddoomiyahoodii oo halkaa war baa ku laaban, haseyeeshee Xoghayihii Guud baa hadlay oo waanu tixgelinaynaa oo waanu dhegaysanaynaa, waxayse ila tahay Soomaalidu waxay tidhaa ‘gar dabadeed go’iyaa nacay guuguu nacaye,’ haddii aannu nidhi Madaxweynaha ayaanu kalsooni siinay wixii uu dan moodo qaranka oo qoraal ku bixinay oo uu ra’yigii keenay, ka dabahadalkaa WADDANI uu maanta ka dabahadlay aniga ilama hagaagsana. Ta kale, haddii aannu doonaynay Qaran ahaan in aannu labada doorasho wada qabanno oo duruufaha naga horyimi oo macquul ah oo ay ugu wayn tahay beelahaa Sanaag-bari iyo Sool iyo cabashada Awdal in loo joojiyo oo dhulka loo dhigo ay ta gu wayn oo sax ah anigu u arko, haddii labadii doorasho mid aannu helnay waa boqolkiiba 50% halkii aannu doonaynay, waxaan ku talinayaa in aannu ku wada mididno oo isugu tagno hagar la’aan in aannu taa madaxweynaha wada qabanno oo boqolkiiba 50% aynu hirgelinno ujeeddadeenii.

Su’aal: Maxaa Somaliland ku keena in mar walba ay doorashooyinkeedu dib u dhacaan?
Jawaab: Waa dal iminka ka soo baxay xaalado adag oo dhisme ku jira, intaa waxa dheer dal dhaqaalihiisu aad u kooban yahay weeye, waa dal aan ictiraaf haysan oo aan meelo badan ku haysan wax u fududeeya oo uu gacmaha galiyo, haddana ilaa lix doorasho qabtay oo kuwa hore isugu isku filnaa kuwa dambena laga caawiyey, markaa way iman karaan duruufo ka xoog wayn Somaliland oo marar badan dib u dhigaa, laakiin waxaan qabaa in inteeda Somaliland ku dadaashay, dib-u-dhacyaduna ay yihiin duruufo ka xoog wayn.”

Su’aal: waxa la leeyahay xisbiyadii Somaliland doorasho ayuun bay ka hadlayaan mar ay iyaga dhexdooda isku haystaan cidda murrashax ama guddoomiye u noqonaysa iyo mar ay xisbiyadu ku muransan yihiin doorashooyinka iyo muddo-kordhin oo arrimaha shacabka ma daneeyaan, arrintaa maxaad ka odhanaysaa Guddoomiye Muuse?
Jawaab: Xisbiyadu inay murmaan dhexdooda, inay xisbiyada kale doodo adagi ka dhex dhacaan waa halkay dawadu ku jirto in talo wanaagsan la helo.