Somaliland: Wakaaladaha Wararka Dunida Oo Si Weyn Wax Uga Qoray Culayska Heshiiska Horumarinta Dekeda Berbera

0
1204

Wakaaladaha wararka iyo qaar ka mida hay’adaha warbaaahinta dunida ayaa si weyn wax uga qoray heshiiska horumarinta Dekeda Berbera ee dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo shirkada DP World.

Heshiiskan oo dhawaan lagu kala saxeexday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa dhigayey in shirkada DP World ay maalgalin 442$ milyan oo doolar ah galiso Dekeda Berbera mudo sodon sano ah.

Warka la xidhiidha heshiiska maalgalinta Dekeda Berbera ayaa aad u soo jiitay wakaaladaha wararka dunida oo si weyn waxa uga qoray, kuwaas oo baahiyey war bixino la xidhiidha heshiiskaasi iyo saamaynta uu ku yeelan doono mandaqada bariga Afrika.

Wakaalada Wararka ee AP, AFP, Reuters, iyo hay’ada warbaahinta ee Fox News, Daily Mail iyo Gulfnews ayaa baahiyey warka heshiiskaasi, iyagoo diirada saaray baaxda maalgashi iyo fursadaha horumarineed ee uu u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo heshiiskan waxa ka qoray wargeyska arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha wax ka qora ee Wall Street Journal, oo warbixin uu baahiyey ku sheegay sidan “ shirkada fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa isniintii shaacisay inay ku guulaysatay inay horumariso maamushana Dekeda Berbera ee Somaliland, taas oo ka mid noqonaysa 75 dakadood oo kale oo ay maamulaan.”

Geesta kale warbixin uu daabacay wargeyska Dailymail ee ka soo baxa dalka Ingriiska oo uu ka soo xigtay Wakaalada wararka Maraykanka ee Associated Press (AP) ayaa lagu sheegay sidan “ Bebera waxay ka qayb qaadan doontaa fiditaanka aanu ku fididayno suuqa kobcaya ee Afrika sanadaha soo socda.” Hadalkaasi oo uu yidhi gudoomiyaha shirkada DP World Suldaan Axmed Binu Sulaymaan. Wakaaalada AP ayaa sidoo kalena warbixinteeda ku sheegtay sidan “ Somaliland waxa ay fursad u soo bandhigaysaa jaarkeeda Itoobiya ee aan badda lahayn ee leh suuqa kobcaya ee 96 milyan ee ruux ah.”sidoo kalena AP ayaa xustay in dhismaha dekeda Berbera uu fursad u yahay dekeda Jabuuti oo uu calays iyo cidhiidhiga saraan ka kala yarayn doono.

Geesta kale Wakaalada wararka Faransiisaka ee AFP ayaa warbixin ay heshiiskan ka qortay ku sheegtay in heshiiskani uu fursad dhaqaale iyo horumarineed u yahay Somaliland waxaanay warbixinteeda ku tidhi “ mashruucan wuxuu fursad horumanideed uu siinayaa Somaliland, oo aqoonsi caalami ah aan ka  helin beesha caalamka taas oo jirtay 25 sano oo madax banaani jiritaan ku dhisan (De facto independence)  ka haystay dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen.”

Wakaalada wararka Ingiriiska ee Reuters ayaa warbixin ay hesiiska ka qortay ku sheegtay sidan “ Dekeda ku taala badda cas ee Bebera ayaa waxa ay diirada saari doonta Koontiidharada iyo alaabaha Kaargooga ah, dekeda-na sidaa loo tayeyndoono.”

Hay’adda lagu magacaabo Port Strategy, ayaa iyaduba baahisay warka hesiishkan iyadoo soo xigatay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo yidhi “ Somaliland way ku faraxsan tahay inay heshiiskan ku midoobaan DP World.”ayuu yidhi Wasiir Sacad waxaanu intaasi ku daray “ Dekeda Berbera ee DP World waxay fursad gaar ah siin doontaa dadka wax ka dhoofiya iyo kuwa kala soo daga bariga Afrika.”

Warka heshiiskan ayaa waxa sidoo kalena wax ka qoray saxaafadda danaysa arrimaha ganacsiga iyo xeebaha sida, JOC.com, Construction Week Online, Container Management, Port Strategy , The Maritime Executive, iyo Splash 247.