Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Gaar Ah Ku Tagaya Dalka Ingiriiska

0
923

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalmaha ka dambeeya Ciidda socdaal ugu ambo baxo dalka Ingiriiska.

Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Madaxweyne Siilaanyo ayaa socdaalkiisa lagu sheegay mid gaar ah sidii socdaalkiisii u dambeeyay ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxa la filayaa inuu safarkiisa ku weheliyo guddoomiyaha iyo murahaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Weli lama oga mudada uu socdaalka Madaxweynuhu qaadan doono.