Somaliland: Istiqaalladda Mas’uul Kale Oo Ku Soo Biiray Xubnaha Xil-diidka WADDANI, Kalsoonidiina Kala noqday Xisbiga

0
746

Guddoomiye Ku Xigeenkii Ahna Kusimihii Guddoomiyaha Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo Xalay Ku Dhawaaqday Istiqaalladeeda

Guddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga WADDANI Marwo Saynab Axmed Cali ayaa iska casishay xilkii ay ka haysay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani. Marwo Saynab faah faahin badan kama bixin sababta ay isku casishay hasa yeeshee qoraal kooban oo ay na soo gaadhsiiyey ayay ku sheegtay inay Xubinimadii xisbigana ka baxday. Qoraalka uddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga WADDANI Marwo Saynab Axmed Cali ayaa u qornaa sidan: “ Waxa maanta oo ay bishu tahay 9 bishii 9 2016 aaan gabi ahaanba iska casilayaa xilkii aan garabka dhalinyarda heer qaran Ee xisbiga WADDANI u ahayay isla markana  xubinnimadii xisbiganna waan kale noqday” . sidaa ayay tidhi Marwo Saynab Axmed Cali. Gudoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI isla markaana ku simihii gudoomiyaha. Eng. Seynab Axmed Cali Oo Iyagu kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa xilkan ay hadda iska casishay ee guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI waxaa lagu doortay shirweynihii dhalinyarada heer qaran ee Xisbigaasi oo ergooyin ka kala yimi gobollada dalku ay badhtamihii bishii March ee kal hore [2015-kii],  lagu doortay guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo hoggaanka heer qaran ee dhalinyarada WADDANI.  Shirweynahaas oo ay   goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha xisbiga Waddani, hoggaanka xisbiga, xildhibaano, ergooyinka dhalinyarada ee ka kala socday goballada dalka iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa codayn ka dib halkaasi guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani lagu doortay Md.Maxamuud Cabdillaahi Cabdi oo ka socday gobalka Badhan, halka guddoomiye ku xigeena loogu doortay Eng. Saynab Axmed Cali oo iyaduna ka socotay gobalka Awdal.Sida laga war qabo toddobaadkii inna dhaafay waxaa xisbiga WADDANI Iska casilay xilalkii ay hayeen isla markaanna kalsoonidii xubinnimada ee xisbigaas kala noqday masuul kala duwan oo xilal heer gobol, degmo iyo heer qaranba ka hayay xisbiga WADDANI, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Eng. Axmed Cali Ubaxle oo ahaa la taliyihii guddoomiyaha WADDANI ee arrimaha ganacsiga iyo dhaqaallaha, sidoo kale waxaa iyaguna hal mar iska wada casilay xilalkii ay xisbigaas ka hayeen iyo xubinnimadoodiiba madaxdii xisbiga u qaabilsannayd waaxaha Maxamed Mooge iyo MAxamuud Heybe ee magaallada Hargeysa kuwaas oo tiradoodu dhammayd afar xubnood oo kala ahaa guddoomiyihii Maxamed Mooge ee WADDANI, Guddoomiyihii Maxamuud heybe ee WADDANI, ku xigeennadoodii iyo taageerayaashoodiba.