Madaxtooyada Somaliland oo warbaahinta hada la hadaashey ayaa waxaa ay si rasmi ah u shaaaciysay in dib loo dhigay doorashadii golaha wakiilada isla markaana la kala qaadey labadii doorasho ee golaha wakiilada iyo madaxtooyada .

Madaxweyne Siilanyo oo dhawaan madaxda asxaabta Somaliland u gudbiyeen in uu go,aan ka gaadho saami qeybsiga kuraasta wakiilada ayaa waxaa uu madaxweyne Siilanyo go,aamiyey in uu gudi u saaro arintaasi isla markaana ka soo talo bixisa .

Sidoo Madaxtoyada Somaliland ayaa waxaa ay sheegtay in madaxweyne Siilanyo uu golaha guurtida u gdbin doono muddo kordhin ay u sameeyaan golaha wakiilada si mudadaasi xal looga gaadh aimaha Saami qeybsiga .