Dadkii Xafladaasi Ku Dhex Sugnaa Oo Sacab Isla Oogsaday Markii Uu Indho Indho U Hibeeyey Faysal Cali Waraabe Gabadh Uu Adeer U Yahay Iyo Jawaabtii Guddoomiyaha UCID Ka Bixiyay Oo Noqotay Af-kala Qaad

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho-indho) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa xaflad ilyartu is qabatay oo Maayar Soltelco u sameeyay Xubnihii soo saxeexay Heshiiskii DP-World ee ku matalayay Xukuumadda Somaliland kaga dhex dhawaaqay inuu gabadh siiyay Gudoomiyaha Xisiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,arintaasi oo si gaar ah u taabatay Gudoomiye Faysal islamarkaana uu markiiba jawaab ka bixiyay Minyaradaasi la siiyay.
Xildhibaan Indho indho ayaa Xafladaasi kaga dhawaaqay inuu siiyay Faysal Cali Waraabe Gabadh uu adeer u yahay,balse muu faah faahin ujeedada uu gabadhsii meesha u keenay iyo waxa uu ula holaday laakiin waxa loo arkay inuu Xildhibaanku ugu abaal guday Faysal Dareenka mucaaridnimada ka aradan ee uu Faysal u muujiyay Heshiiskaasi ee uu waliba uga soo raacay Illaa Dubai“Faysal Cali Waraabe Isaga Inan ayaan siinayaa,aan adeer u ahay,Waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad xaflada uga soo qayb gasheen,Anigoo ku hadlaya Magaca Golaha Guurtida Waxaan idin leeyahay Yar iyo Weyn,Saqiiq iyo Kabiir,Dhamaanteen maanta waxaynu eeganaynaa Heshiiskaasi DP-World haddii uu inyar inaga Bariiqdo waxbadan ayaa inaga xumaanaya,Qof waliba meesha uu joogo Culayska ha saaro”.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo Xafladan Gabadha lagu gudoonsiiyay ku dhex sugnaa ayaa markii uu soo kacay ka jawaabay islamarkaana sheegay inaanu gabadhaasi isagu gudoomin ee uu isku dhaafiyay Wiilkiisa,Waxaana uu yidhi“Waxaan u sheegayaa saaxiibkayga Guurtida Xildhibaan Indho Indho,Inantii waan kaa gudoomay laakiin Inankayga ayaan u gudoomayaa Insha Allaah,Anigu dhawr jeer oo hore Waan sheegay,minyaradaydu waa Somaliland ayaan idhi oo waan sheegay,Tobankii habeen ee Khayrka lahaa ayaan ku jirnaaye,Heesahana inaga yareeya”.
Dadkii Munaasibadaasi ku sugnaa ayaa si weyn ugu sacbiyay Weedhihii aan meesha laga filayn ee ay iswaydaarsadeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Xildhibaan Indho Indho,waxaana si gaar ah dadkii goobta joogay u taabatay oo wax la iska waydiiyay Sababta uu Xildhibaan Indho Indho ugu holaday inuu Gabadh uu adeer u yahay si kedis ah ugu dhawaaqo inuu hadiyad bixiyay waliba uu u siiyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Jawaabtii deg degga ahayd ee uu Faysal ka bixiyay oo aad uga sii qoslisay dadkii Xafladaasi ku sugnaa oo qosol isla oogsaday kadib markii uu sheegay inaanu guddoomin isagu, laakiin uu u gudoomayo Wiilkiisa. Arrinkaasi oo dhaliyey doodo iyo kaftan xiiso leh.