Somaliland: Wasiir Fartoon Oo dhidiibada Uu Asay Dejinta Xaalada Gobolka Sool, Kulana La Yeeshay Odayaasha Gobolkaas

0
977

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji  Maxamed Xiir (Faratoon) ayaa salka udhigay Daamiinta iyo dejinta Xaalado rabashaadoo wataa oo soo wajahay Gobolka Sool Maalmihii ugu dambeeyay, Wasiir Faratoon, Oo uu Waheliyo Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa  Gaadhay Magaalada Laascaanood Imaatinka Wasiirka Oo Ku Soo Beegmay  Xili ay Gobolka sool ka jiraan Xalaad  wataa Rabashaado, isaga oo Ujeedada socdaalkiisu ahayd  Gogol dhigiida Iyo dejinte Xaaladaha ka jira gobolka Sool ,   Wasiirka Faratoon iyo weftigii uu hogaaminayay  Ayaa aroornimaadii hore  shalay Kulan Balaadhan La Qaatay Cuqaasha,odayaasha  Iyo Waxgaradka  Gobolkaasi Sool Kulaankaas oo qeybaha warbaahintu dibada ka ahayd ujeedadiisuna ahayd Adkeynta iyo Ilaalinta Amniga gobolka Sool, ayaa Markii usoo dhamaaday waxaa si wadajir warbaahinta ugu faahfaahiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Fartatoon, iyo Taliyaha ciidanka Booliska jeneral Fadal. Ugu horeyn Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland jeneral fadal ayaa faahfaahiyay ujeedada socdaalkooda Magaalada laascanood Waxaana Hadaladiisa kamid ahaa  ‘’ Waxaaanu Halkan Ku nimi Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland , Waxaana Naga Soo Horeeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Bilayska  Somaliland Iyo Saraakiil Ciidanka Bilayska Ah Oo baadhaysay Dhacdadii Maalintii Dhawayd  Halkan ka Dhacdey, Waxaanan Halkan Kula Kulaney Cuqaasha ,Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool Waxaanan ka Hadleynay Dhacdadaa Iska Daba Dhacdey Ee Bisha Afarteedii  Dhacdey  Oo Aanu Baadhisteedii Si wayn  Aanu Gacanta Ugu Hayno Iyo Sidii Nabad gelyada Looga Wada Shaqayn Lahaa.’’

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji maxamed Xiir Faratoon oo isna halkaas ka Hadley ayaa sheegay inaan loo dulqadaan doonin Rabashadaha soo Noqnoqda ee ka dhacaa Gobolka Sool, isaga soo jeediyay in la Ilaaliyo Amniga Gobolka iyo ka Dalka Intabada, isaga oo ballanqadaay inay si buuxda uga hawlgeli doonan Nabada Gobolka Sool  Waxaana Hadaladiisa Ka mid Ahaa ‘’  Halkana Saaka Waxaanu  Kulan Balaadhan la yeelanay Cuqaasha ,odayaasha  iyo Waxgaradka Gobolka Sool shirkaas  waxaa  lagu faaqidayay dhacdaadii ka dhacday Gobolka sool 4tii bishan  Iyo Sida ay Wax uu  dhaceen, runtii si fiican ayay  Iyaguna Isku  Soo Abaabuleen  Oo Aad Uga Muuqdo Dareen Xoog Leh Oo Xamaasadeysan Oo Ay Kaga Hadlayaan Wixii Ka Dhacey Gobolka Kan Iyo In Aan Dib Loogu Dulqaadan Doonin  Ee Ay Doonayaan  Sidii Looga Gudbi Lahaa Dhibaatooyinka Gobolkooda Haysta  Arimahaas Ayaanu Halkan Kaga Wada Hadalney Waxaana uu ku Soo gaabagaboobay af garad Buuxa  Oo Waliba Xamaasadi ku jirto ,Wasaarad Ahaan Iyo Boolis ahaan Dhamaan Intayadii Xukuumada Ka Tirsaneyd  Ee Halkan Fadhidayna Ballan Qaad Buuxa Ayuunu Siiney In Aanu Kala Shaqayn Doono Gobolkaasi Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir Faratoon, iyo weftigiisan ayaa Gunta uxidhay Rabahadihii ka socday Gobolka Sool, isaga Xilligan waada baadhitaano la xidhiidha Rabashadihii ka dhacay Gobolka Sool 4bishan aynu ku gudo jirno.