Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Mudaysay Dacwadii Faysal Cali Waraabe Iyo Jamaal Cali Xuseen

0
840

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa mudaysay dhagaysiga rafcaanka uu guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe u gudbiyay maxkamadda sare, kaas oo uu ka soo qaatay go’aankii guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Dacwada ayaa waxay maxkamadda sare u mudaysay inay qabsoonto 18-ka bishan September. Maxkamadda ayaa la filayaa inay hal maalin dhagaysto dacwadaas ka dibna ay soo saarto go’aanka ay ka gaadhay rafcaanka uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka qaatay go’aankaas ay hore u gaadheen guddiga diiwaangelinta ururada oo uu qawaday, inkastoo markii hore uu aqbalay.