Somaliland: Cali Guray Oo Faallo Ka Qoray Faysal Cali Waraabihii Lagu Dhex Arkay Xubnihii Xukuumadda U Saxeexayay Heshiiska DP World

0
759

“Dameeri Dhaan Raacday Miyaa? Ma Igu-Dara Lug Baas Baa?Mise Waftigaabu Ka Mid Ahaa Waa Dhab”

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si ba’an u dhaliilay qaabkii Guddoomiyaha xisbiga UCID u soo dhex fadhiistay xubnaha xukuumadda iyo masuuliyiinta shirkadda DPW ee heshiiska ku soo kala saxeexadya Dubai. Mujaahid Cali Guray oo qoraal kooban ka sameeyey arrinkaasi waxa uu yidhi: “Cid jecel wanaaga Somaliland oo danaynaysa horumarinta dimuqraadiyadeeda iyo kor u qaadista dhismaha Xisbiyada Qaranku Faysal Cali Waraabe suurtogal maaha inay adeegsato oy gacanta qabsato oy isku sawirto waayo waa qof aan wanaag oo dhan waxba ku lahayn xumaan mooyaane. Iska daa qof wax kala garanaya eh dhengegaalaha aan wax badan ogayn ayaa og oo kala garanaya Faysal iyo Jamaal kee baa kee ah- yaa Gudoomiye ah yaa musharax ah- Faysal isaga oo marka horeba carab la’aa ayuu isa sii carab tiraa uu ku leeyahay aniga Gudoomiye ah aniga Musharaxna ah wax ii diidayaana ma jirto. Waxa yaab leh oo aan runtii la fahmi karin sababta qof madhan oo baabah ah oon xumaan mooyee wanaagba ehel u ahayn isla markaana aan ka tirsanayn xukuumadda loogu daray weftiga xukuumadda ee la soo xaajoonayay shirkadda DP World. Taas ayaa maanta ah hal-xidhaale aan furihiisa cid haysa la garan karin. Ma hunguri uun baa daba waday ee weftigaba ka mid ma ahayn? Ma weftiga ama xubno weftiga ka mida oo dano gaar ah leh baa watay oo ka maarmi waayay? Mise xaalkiisu wuxu ahaa uun igu-dara-lug-baas iyo dameeri dhaan raacday? Yaa inoo kala sheega oo Ilaahay yaqaan?. Si kastaba xaalku ha ahaado eh ka dhex muuqashada Ina Cali Waraabo ee weftiga Somaliland waxay sii xoojisay shakiyadii awalba jiray ee laga qabay Mashruuca DP World iyo musuqmaasuq ku dhex qarsoon oo shakhsiyaad iyagu si gaar ah u dheef doon ihi ay wadaan Faysalna u kaxaystay maadaama uu yahay qof aan waxba ka xishoonin oo isaga la adeegsan karo qanjidhkiisana marka dambe loo tuuri karo. Anigu ma hubo mana xaqiijin karo lakiin dadka ka soo horjeeda mashruucani waxa ugu wayn ey kaga soo horjeedaan mashruucani waxay tahay in ay u tuhunsan yihiin inu jiro musqmaasuq xad dhaaf ah oo gaadhsiisan ilaa iyo heer ay jiraan dad ku leh saamiyo qarsoon oo ku jira saamiga DP World oo doonaya inay weligood hoos u gurtaan waxa uu u noqdo saamigoodu oo ay ka qaataan DP World anigu ma qabo laakiin dad badan oo weliba u badan dadka degaanka Berbera ayaa jira oo sidaa aaminsan xaqna u leh in laga qanciyo. Si kastaba xaalku ha ahaado eh ee hadii Faysal mashruucan sidaa u dhex boodo oo hadba isku dhex sawiro isaga oo kiiskiisi Maxkamadda Sare ee Somaliland ku jiro wax badan ayuu ka xumayn karaa kalsoonda lagu qabi karo mashruucan shaki badanna wuu abuuri karaa waayo waa qof la yaqaan oo haduu wax hagaajinayo xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay ayuu hagaajin lahaa ama iskaga tegi lahaa isaga oon gacmihiisa ku burburin”. Ayuu Cali Guray qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey Mujaahid Cali Guray.