Somaliland: Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Taliyay In Xil La Iska Saaro Doorashooyinka Soo Socda

0
941

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ku taliyay in xil dheeraad ah iyo masuuliyad culus la iska saaro doorashooyinka bisha march ee sannadka dambe ka dhacaya dalka Somaliland.

Md. Yaasiin oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo ka hadlay waxyaabaha keenay dib u soo celinta xorriyadda Somaliland ee luntay sannadkii lixdankii,  “Markii hore Somaliland iyo Somaliya kala Wadan bay ahaayeen, laba Wadan oo kala ah Ingiriis iyo Talyaaniya ayaa kala haystay, xornimadii kadib ayey isku biireen, Somaliland wakhtigaas waxay raadinaysay shantii Somaliyeed oo mid noqdo, balse may suurtagalin,laakiin dhib badan iyo  cadaadis badan kadib Somaliland xoriyadeedii bay dib ula soo noqotay, dadaal badan kadibna waxa inoo suurtagalay inaynu Caalamka la jaanqaadno, in Dumiqraadiyadu dalkeena ka hirgasho, inaynu ka baxno habkii Beelaha oo nidaamka Axsaabta badani dalkeena ka hirgalana, waxa inoo suurtashay inaynu qabsano Doorashooyin, balse intaasba Somaliya kamay dhicin.”

Isagoo ka hadlaya doorashooyinka soo socda wuxuu yidhi  “Waxa inagu soo food leh Doorashooyin, oo sannadkan dambe haddii ILLAAHAY yidhaahdo horaantiisa ayaa la filayaa inay dhacaan, waxaan leeyahay Doorashooyinkaas xil dheeraad ah ha la iska saaro, oo cid walba oo shaqo ku leh dhankeeda ha ka dedaasho.”