Somaliland: Ugaaska Beelaha Samaroon Oo Wacad Ku Maray Inuu Ha’yadaha Xuquuqal Iinsaanka Iyo Beesha Caalamka U Gudbin Doono Muranka Lixda Goobood Ee waqooyiga Hargeysa.

0
788

“Maanta Laga Bilaabo Wixii Xaqeena Ah Waa Inaynu Raadsanaa Duco Ayaa La Inooga Bartaye Ducadii Waynu Iska Joojinaynaa…” Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo ah ugaaska guud ee beelaha Samaroon ayaa ka digay dagaal ka dhaca lixda goobood ee dhowaanahanba lagu muransanaa.

Ugaaska ayaa sheegay inay cadaalad darro badan ka tirsanayaan Somaliland gaar ahaana beesha dhexe, isagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey duulaan uu sheegay in lagu soo qaaday dhulkii aabayaashood uga tageen waa sida uu hadalka u dhigaye waxaana uu beeshisa u soo jeediyey inay baraarugaan oo ay feejignaan muujiyaan.

Geesta kale Ugaaska guud ee Beelaha Samaroon ayaa hadalkiisa ku xusay in loo baahan yahay inay beeshiisu go’aan cad ka qaadato Somaliland haddii ay deegaanadaasi xabadi ka dhacdo, waxaana uu sidoo kale ballan qaaday inuu arrinkan meelo badan kala dhici doono una gudbin doono beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda, ugaaska oo arrimahaas ka hadlayana waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“cadaalad darro ayaa jirta markaa waxaan leeyahay dadkeenu ha foojignaadaan oo ha soo jeedaan, intaas waa la hadlayaa saami ayaa naga maqan yaa la yidhaahdaa, haddii aynu dad muslim ah nahay oo ilaahay meesha ina dhigay nabad-gelyo ayuunbaa inaga ina deeqday laakiin duco ayaa awal la inooga bartay ducadii waynu iska joojinaynaa markaa runtii waxaan qabaa halkaas haddii ay xabadi ka dhacdo dhamaanteen waa inaynu go’aan gaadhno, go’aankeenu waa inuu cadaadaa waa inaynaan dib uga soo noqon aabayaashen ayaa dhulkan ina soo gaadhsiiyey, waxaana muuqata inaynu dhulkan dayacnay qoladan jaarkeena ah ee duulimaadka samaynaysa dee waa tabtaa ay inoo soo wadeen illaa Borama la inagu soo ururinayo, cadaalad darro ayaa jirta markaa haddii cadaalad daraadaas waxba laga qaban waayo dhulkan waynu ka baxaynaa markaa u dul qaadan mayno waxaanu leenahay halaga joojiyo meel kasta oo ay inala gaadho haddii ay tahay xuquuqda aadama hay’adaha u dooda iyo adduuynada waynu gaadhsiinaynaa dhibaatadas la inagu wado inaguna nabad ayuunbaynu wadnay laakiin maanta laga bilaabo wixii xaqeena ah waa inaan raadsanaa dhulkeena meeshii ilaahay ina dhigay ayuunbayu oolaynaa meel kale oo aynu u soconaa ma jirto”.

Inkastoo hadalka Ugaaska ay ku jiraan kelmado muujinaya inuu inkirsan yahay qaranimada Somaliland hadana waxaa muuqata inuu si macquul ah ugu dooday lahaanshiyaha dhulkan la isku haysto walow aanay beesha uu hadalka u wadaa u wada dhamayn muranka ka taagan lixdan goobood ee doorashada ka caagan.