Somaliland: Sawir Muujinaya Kala Hororsiga & Hareer Fadhiisiga Madaxweynaha Iyo Aragtida Shacabka –

0
858

Tan iyo shalay waxa baraha ay bulshadu ku xidhiidho dhex wareegayay sawir laga qaaday xafladii shalay uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jaray ee wasaaradda macdanta iyo tamarta.

Sawirkaas ayaa muujinaya Madaxweyne Siilaanyo oo ay hareeraha ka fadhiyaan wasiirka Macdanta iyo Tamarta iyo guddoomiye ku xigeenka Kulmiye, sidoo kale waxaa hareero fadhiya guddoomiyaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo uu u dhexeeyo nin ajaanib ah oo isna ka mid ah dadkan  hareeraha madaxweynaha fadhiya.

In kasta oo laga yaabo inaanay ku talogal ahayn, inay wejiga hore ee xafladda soo wada fadhiistaan siyaasiyiin isku deegaan ka soo jeeda oo ka kala socda hay’ado dastuuri ah oo la martiqaaday, haddana waxaa dooddaas mid jaban ka dhigaya muuqaalka rasmiga ah ee gaadhaya shacabka taas oo dad badani u fasirayaan in awoodda madaxweynaha ay saamayn ku leeyihiin siyaasiyiinta ay isku deegaanka ka soo jeedaan ee hareerihiisa buuxiyay.

Waxa ay bulshadu shalay ilaa xalay isweydiinaysay, sababta loo dhayalsaday inay Madaxweynaha hareero fadhiistaan siyaasiyiin xilal kala duwan qaranka ka haya oo ay ilmaadeer yihiin oo uu sawirkoodu bixiyay muuqaal aan qurux badnayn oo dhaawacaya sumcada qaranka iyo weliba sumcada Madaxweynahaba. Waxa la isweydiiyay haddii ay wasaaradda macdantu soo martiqaaday masuuliyiintan maxay u soo marti qaadi weyday masuuliyiinta kale ee qaranka ee ka soo jeeda deegaanada kala duwan ee Somaliland. tusaale ahaan haddii xisbiga Kulmiye uu madashan u fadhiyey masuulka labaad ee ugu sarreeyaa, sababta loo soo marti qaadi waayey masuuliyiinta labada xisbi ee kale.

Sawirkano oo gebi ahaanba meesha ka saaray sawiradii laga qaaday dhismaha wasaaradda oo ah dhisme tayo iyo bilicba leh, waxa ay dad badani iska weydiin karaan iyagoo sawirka tusaale ka dhiganaya  cadaaladda Madaxweyne Siilaanyo ee qasriga madaxtooyda taala, iyadoo laga shidaal qaadanayo doodo kale oo ay bulshadu iska weydiiso sababta uu Madaxweyne Siilaanyo uga war wareego inuu xil ka qaadis ku sameeyo wasiirada ka soo jeeda beeshiisa oo lixdii sanno iyo badhkii uu joogay aan la arag isaga kula degdegaya xil ka qaadis ama beddelis, halka wasaaradaha karee e qaranka qaarkood uu shan jeer wasiirka ka beddelay. Waana sababta keentay in dadka qaarkii ku doodaan in xilka laga qaado wasiirka ama masuulka ay isku dhacaan mid ka mid ah wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee madaxweyne Siilaanyo la beesha ah.

Waxa xusid mudan inaan labadii Madaxweyne ee ka horeeyay Madaxweyne Siilaanyo ee kala ahaa Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, midkoodna lagu arki jirin muuqaalo noocan oo kale ah, waxaana taas bedelkeed hareerahooda fadhiyi jiray masuuliyiiin ka soo kala jeeda deegaanada kale ee Somaliland.

Sawirkani wuxuu  farriin u dirayaa saraakiisha madaxweynaha u qaabilsan hab-maamuuska goobaha uu tegayo inay wax badan ka taxadiraan goobaha madaxweynuhu fadhiisanayo, iyo weliba cidda uu hareer fadhiisanayo. Sidoo kale gacanyarayaasha madaxweynaha ayay masuuliyadooda tahay inay xakameeyaan siyaasiyiinta jecel inay madaxweynaha hareer fadhiistaan iyaga oo u kala tartamaya sidii ay ugu kala dhowaan lahaayeen siyaasiga ruug caddaaga ah, maadaama oo laga yaabo inay meesha ka baxaan ciddii mudnayd inay ka agdhowaato Madaxweynaha.