Somaliland: Maxkamadda Distooriga Ah Ee Somaliland Oo Loo Gudbiyay Codsi Lagaga Dalbanayo Inay Joojiso In Diiwaangelin Iyo Doorasho Laga Qabto Waqooyiga Hargeysa

0
854

Muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa maxkamadda distooriga ah ee Somaliland u gudbiyay dalab ay ku weydiisanayaan inay xayirto in wax diiwaangelin iyo doorasho ah laga sameeyo lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa ee ay dhawaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay in diiwaangelinta laga qabanayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in shacabkaas oo ah muwaadiniin ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Selel ay codsigaas shalay soo gaadhsiiyeen maxkamadda distooriga ah islamarkaana ay maxkamadu ka qabatay, waxaanu intaas raaciyay inay darsanayaan codsiga muwaadiniinta.

Muwaadiniintan oo ay tiradoodu tahay 12 muwaadin oo ka soo jeeda gobaladan, ayaa wuxuu nuxurka codsigoodu yahay in Maxkamadda distooriga ahi maadaama oo ay qaabilsanahtay doorashooyinka iyo xuquuqaha muwaadinka, inay iyagoo xuquuqdooda ilaashanaya ay ka dalbanayaan maxkamaddu inay xayirto lixdaas goobood in wax diiwaangelin iyo doorasho ah laga qabto, ilaa inta ay kala cadaanayso gobalka ay raacayaan, “Waanu ka qabanay muwaadiniintaas codsiga ay noo soo gudbiyeen.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda distooriga ah ee Somaliland.

Talaabadan ayaa muujinaysa sida uu isbedel ugu yimid garsoorkii Somaliland islamarkaana ay u soo noqotay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen garsoor madaxbanaan.