Somaliland: Chief Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Si Adag Uga Hadlay Amarkii Boqor Raabi Loogu Diiday In Uu Soo Guto Waajibaadka Xajka.

0
876

Chief Caaqil Rashiid Mahamed Jaambiir Kaahin oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay amarkii Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi lagaga joojiyay in soo guto Xajka waajibaadka.

Chief Caaqil Rashiid Mahamed Jaambiir Kaahin ayaa qoraal dheer oo uu soo dhigay barta uu ku leeyaha Facebook waxa uu u dhignaa sida tan:

Anigoo ah Caaqil Rashiid Mahamed Jambiir Waxaan Jeclaystay in An ka Hadlo Waraar Labadii Cisho ee u Danbeeyay Saxaafada Madaxa Banan Lagaaga Hadlayaay oo ah in Boqor Raabi Yusuf Abdilaahi oo ka mid ah Madax dhaqameedka miisanka iyo Magaca ku leh Qaranka Jamhuuriyada somaliland laga Hor Istagay in u Guto waajibadka Xajka oo ah mid alle Swt Inagu waajibiiyay.

Waxaase Hadaaba Marag ma doon ah in Boqorka lagasoo celiyay Madarka Sidaa isaga laftiisuna u saxafada ka sheegay in lasoo celiyay Madarka Hargaisa xaajka u boqorku Gudaanayay wuxuu ka mid ahaa Dad Somali ah oo Dawlada Sucuudigu Marti- qaad rasmi ah u fidiisay ayuu ka mid ahaa oo Meel walba oo dhulka somali degto ka Tagey , sidaaynu ognahay sanad walba Dawlada sucudigu waxaay Marti- qaadka soo mariisa Halkay Dawlada u Taqana oo xamar ah ayaanay soo mariisa marti qaadka ay bixinayso kuwaas ayuunbaba cidaa iyagu u gartan siisa basaboorka boqorkana Noirobi ayaa lagasoo visseyay kharashkana waxa bixiisay dawlada sucudiga Dad Reer Burco ah ayasnay boqorka ku wehelinayay safarkiisa waxaana ka mid ah Sheekhii Caanka ahaa Sheekh Ali warsame .
Boqorkuna Wuxuu kala siina safarka dadkas ku weheelinayay , Had iyo goorna dawladaha calaamku hadaay xaaj bixinayaan iyo Hadaay Deeq waxbarasho bixinayaanba Waxaay soo mariisa Xamar oo ay dawlad u Aqoonsan yihiin Ardaydeenu Hargaisay ka dhoofi jirtay iyaago Sudan,Turkey iyo Masar ku socda Iyagoo xamar looso mariyay Vissayasha iyo Waxaana Anba bixiin jirtay Wasaradeena Waxbaraashada somaliland kamanay Hor joogsan jirin waa Fa, iido ay ardaydu Heshay Qof Waajibad xaj tagayana waabu kasii xad jiraa Dadkii lagu mamuusay ayuunbanu ka mid ahaa boqorku Markii Madarka looso dhigay vissihii iyo Ticketkii Sucuudigu dadkii u ku marti qaaday ka mid ahaa Madarka lagasoo celiyay Tasna Hadii cid shaki kaga jiro waa lasoo celiyay waana shay macruufa,Hadaaba iyaado sidaas dadku uga dhoofi jireen sabaabta waxaa ka jawaabi doonta waaxda ay khusaayso oo ah amgareeshinka amasee ciida masuuliyada leh lakiinse waa Dawlada un Basaaborkiisii iyo Viisihiisina waxaay imika Yaalan laanta socdaalka waxaanay ahayd in ay laanta socdaalku ka jawaabto mar hadii u ka cawdaay boqorku in lasoo celiyaay jirtaana .
Waaxase fool xumo ah oo ariin aad loola yaabo ah in safar an siyaasad la xidhiidhin oo ah in ariin baydkii ilaahay ah oo la mid ah qof la idha masaajidka haa galin oo haa tukaan walaahi waa ariin aad u fool xun oo u manta kaga baqday oo u Hargaisa la joogo maanta boqorkuna waa Hogan dhaqan waana dadka bir ma gaydaada ah waxaanay ahayd in laanta socdaalku sii sax ah uga jaawabto .
Waxaanay taasi muujinaysaa Ficiilada an ficnayn ee maanta ka socda wadanka iyo magadalada Haragisa maana ahaa ariin u xaq u leyahay oo qabanaysaay boqorka, hadii u danbiile yahayna oo ashkaato u taalo maxkamadaha iyo madarkana waxaay ahayd in xabsiiga la geeyo ilayn waati awaalkii horeba la xidhi jiraye.
Waxaase ayaan daaro ah in ficiilada iyo dagalku halka gadhaan hadii dadku kala fikir iyo aragtiid noqdan oo cibaadadiid alle swt layska hor istaago wanaa ariin an qaranka iyo shacabkanba u ficnayn oo cawaaqib xumadeeda keensan karta.
Waa Bilaahi Tawfiiq
Chief Caaqil Rashiid Mahamed Jaambiir Kaahin