Kenya: Qaadkii KENYA Ee Soomaaliya Iska Joojisay Oo Shalayba Loo Soo Weeciyey Somaliland Iyo Diyaaraddii U Horeysay Oo Caga-dhigatay Laascaanood

0
927

“Dawladda Soomaaliya Awood uma laha iney Hawadayada ka joojiyaan diyaaradaha..”Wasiirka Duulista Hawada Somaliland

Waxa Magaalooyinka Dalka Soomaaliya ka hirgalay Go’aan Dawladdu doraad ku joojisay Diyaaradihii Qaadka uga keeni jiray Dalka Kenya, ilaa Shalayna wax Diyaarad ahi ma tagin Magaalada Muqdisho.

Waxaana Go’aankaasi ku dhaqmay isla-markaana fuliyey Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka ee Kenya, kuwaasi oo Warbaahinta ka sheegay in aanay wax Qaad ah geyn doonin ilaa Dawladdooda Kenya War ka soo saarto Go’aanka Soomaaliya ku joojisay Qaadka Kenya.

Laakiin, Diyaaradihii Qaadka Kenya geyn jiray Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya, ayaa Shalay ka tagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Qardo ee Maamul-gobolleedka Puntland iyo Magaalada Laascaanood ee Somaliland.

Afhayeen u hadlay Maamul-Gobolleedka Puntland, oo la waydiiyey Sababta Qaadkii Dawladda Federaalka Soomaaliya joojisay looga ogolaaday Puntland, ayaa sheegay in Sababtu tahay inaan Dawladda Federaalku la socodsiinin Sababta Qaadka loo joojiyey, “Ka hor inta ayna Go’aan gaadhin Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya waxaa looga baahnaa inay arrintan kala tashato Maamullada dalka ka jira, balse taas ma dhicin” ayuu yidhi, Cabdillaahi Quraan-jecel.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlay Sababta ay Diyaaradda Qaadka ee Soomaaliya laga joojiyey ugu ogolaadeen inay Laascaanood Geyso, ayaa yidhi, “Somaliland waa dowlad ka Madax-banaan Soomaaliya, hawadeeda iyadaa maamusha, dowladda Soomaaliyana awood uma laha iney hawadayada ka joojiyaan dayuuradaha” ayuu yidhi, Wasiirka oo la hadlay Saxaafadda.