Somaliland: Suldaan Sheegay In Dawladu Ka Baajisay Gurmad Ay Ugu Baxayeen Beelaha Ceel-afweyn

0
948

Suldaan Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa a sheegay in Xukuumaddu hor taagtay inay u gurmadaan oo heshiisiyaan dhex galaana labada Beelood ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn.

Suldaan Cabdiraxmaan Good oo shalay warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa yidhi  “Waa anagii baaq sii daynay, diyaar baanu u nahay in aanu baxno imikana waanu is abaabulaynaa, laakiin xoogaa dib u dhac ah ayaa soo kordhay oo dadka oo dhami dareemayo,dib u dhacaasi waa xagii qaban-qaabada oo had iyo jeeraale marka dhibaatadan oo kale dhacdo dawladda ayaa dadka dhaqanka ah diri jirtay oo dabada ka riixi jirtay si markiiba hawsha loogu deg dego,marka Salaadiintayadu maalintii aanu baaqa sii daynay laba Suldaan ayaanu arintan u xilsaarnay Suldaan Siciid iyo Suldaan Cismaan inay soo qaban-qaabiyaan sidii aanu deg deg ugu bixi lahayn, warkii ay nagu soo celiyeen Salaadiintii siiba Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale wuxuu sheegay inay dawladu yidhaahdeen annagaa baxayna, lix wasiir ayaa tagaya, cid kale oo tagta imika ma ogolin, ilaa aanu annagu meeshii gaadhno, anagaa ciddii aanu u baahano u yeedhan doona, markaas iska jooga annaga halanaga war sugo, markaas xukuumadii ayaa go’aankaas gaadhay.”