Somaliland: Nuuradiin Secondary School Oo Abaal-marin Ku Cusub Saaxadda Waxbarashada Ku Maamuusay Ardaygii Kaalinata 1aad U Galay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa

0
649

Dugsiyada Sare Ee Nuuradiin Schools Oo Gudoonsiiyay Ardeygii Kaalinta Kowaad Galey Jaa,isad Ay Kaga Talaabsadeen Dugsiyada Madaxa Banaan

NUURADIIN Secondary School Oo Abaal-marin Ku Cusub Saaxadda Waxbarashada Ku Maamuusay Ardaygii Kaalinata 1aad U Galay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa

Dugsiyada Sare ee Nuuradiin-Schools ayaa maanta ku gudoonsiiyay Ardeygii ugu dhibcaha sareeyay Natiijadii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland Sacad Maxamed Maxamuud Jaa,isad aan nooceeda hore loo arag oo ah Baabuur Cusub oo nooca Taxi ah Fareza,taas oo layaab ku noqotey Kumanaanka Ardey ee Wax ka barta Dugsiga Sare ee Inamada Nuuradiin-Schools,Waaliinta,Macalimiinta iyo Masuuliyiin iyo Culimo goob joog ku ahaa Dugsigaasi.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtey Gudoonsiinta Jaa,isada Maamulka Dugsiyada Nuuradiin Schools iyo Dugsiga Sare ee Inamadu ku gudoonsiiyay Saaka Ardeygii ugu sareeyay Natiijadii Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dalka oo dhan,iyo waliba Ardeygii kaalinta Afraad ka galey oo lagu qabtey isla Dugsigaasi Magaalada Hargeysa waxa kasoo qeyb galey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Masuuliyiin,Culumaa,udiin,Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare ee Nuuradiin-Schools (Inamada),Ardeyda,Waalidiintooda,iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana, ashqaraar galisey guud ahaanba kasoo qeyb galayaashii mudan iyo marwaba lahaa Ardeydii iyo Macalimiinta Dugsigaasi waxa ugu horeyn faafaahin ka bixiyay jaa,isada Baabuurka ah ee ay ku gudoonsiiyeen Munaasibadan Ardeygii ugu sareeyay Natiijadii Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare ee Dalka iyo waliba Ardeygii kaalinta afraad ka galey oo la gudoonsiiyay Kumbiyuutar qaali ah Maamule Kuxigeenka Dugsiyada Nuuradiin-Schools Ismaaciil Maxamuud Cakuushe oo is dul taagay dhibcaha Ardeygaasi ay gudoonsiiyeen Jaa,isada Baabuurka ah Sacad Maxamed Maxamuud Tirada guud ee Ardeyda dalka oo dhan ee uu kaalinta koowaad ka galey iyo waliba inta Dugsiyada Nuuradiin-Schools ay kaalinta koowaad ka galeen Natiijada Guud ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka oo dhan,dedaalka Ardeyda iyo Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin-Schools,Tayada Waxbarasho iyo arimo badan oo khuseeya nidaamka toosan ee Maamulka iyo Macalimiinta iyo ardeydu u wada shaqeeyaan.

Maamulaha Dugsiga Sare ee (Inamada) Nuuradiin Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo isaguna Munaasibadan sida quruxda badan loo soo Agaasimay hadal ka jeediyay,ayaa sheegay in Jaa,isada qiimaha leh ee ay maanta gudoonsiiyeen Ardeygii ugu sareeyay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka Sacad Maxamed Maxamuud ay tahey mid ku timid dedaalka Ardeygaasi islamarkaana uu mudan yahey in ay jaa,isad la taaban karo gudoonsiiyaan,sidoo kalena ay qeyb ka yihiin dedaalkan Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiyada Nuuradiin-Schools Waxaanu Maamuluhu qoraal ka akhriyay tobanka Ardey ee ugu sareeyay Imtixaanadii Fasalada Dugsiga Sare ee(Inamada) kuwaas oo uu ka akhriyey Madashii Munaasibada laguna soo bandhigay magacyadooda iyo sawiradooda boodh Dugsigu ugu soo talagaley, waxaanu Xusay in ay jidka kusoo jiraan oo ay hayaan dhabaha Ardeyda jaa,isada Muteystey “Abwaankii Timacae wuxu yidhi Allaha naxariistii jano hasiiyee Lama helo Wadaadow waxaan cidi ku hawshoone,jaa,isada Ardeygaasi waxey ku timid dedaalka iyo juhdiga uu usoo galey Waxbarashadiisii.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Pro:Cali Cabdi Jaamac oo isaguna hadal tafdheer ka jeediyay halkaasi ayaa ku dheeraaday fursada iyo wakhtiga fiican ee ay la kulmeen Ardeyda Fasalada Dugsiyada Sare ee Nuuradiin-Schools wax ka barta isagoo Tusaale usoo qaatey in xiligoodii ay dhameysteen Waxbarashada Dugsiyada Sare ay kusoo beegantey Xiligii Burburkii dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya taas, oo uu sababteeda ku sheegay in aheyd fadhi la,aantii Siyaasada oo sabab u noqotey in Waxbarashadii,Cibaadadii iyo arimhii oo dhami hakad galaan taas oo lamid ah sida uu hadalkiisa u dhigay sida ‘dhishka’ shaashadaha laga daawado oo hadii uu dhaqaaq sameeyo ay meesha ka baxayaan mawjado badan,waxaanu ku bogaadiyay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin-Schools sida sharafta leh ee ay u qiimeeyeen Jaa,isada ay Gudoonsiiyeen Ardeygii kaalinta koowaad ka galey Imtixaanka Guud ee Qaranka taas oo dhiirigalin u ah Guud ahaanba Ardeyda Dugsigani oo dedaalkooda,waxabarasho ku hiigsan doona Munaasibada maanta loo qabtey Sacad iyo Axmed sida uu hadalkiisa ku suntey,waxaanu ku dardaarey Ardeyda in ay ku deydaan oo ay dedaal badan galaan maadaama dalka Somaliland maanta Siyaasadiisu fadhido oo aan wax dhaqaaq ahi kujirin.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Aadan-Siiro),oo khudbad ka jeediyay Munaasibadan ayaa ku dheeraaday in ay Culimo ahaan raali ka yihiin Dugsiyada Nuuradiin-Schools isagoo Sheekhu tilmaan dheer ka bixiyay sababta ay u raalida uga noqdeen in ay tahey dedaalka iyo heerka tayada Waxbarasho ee Dugsiyada Nuuradiin oo aan maalina maalinta kale ku darin islamarkaana, sanad walba kor uga sii socota heerkii hore,Waxaanu Sheekh Aadan-Siiro Munaasibadaasi ka sheegay hadiyad uu shakhsi ahaan ugu deeqay Laba Ardey ee Dugsiyada Nuuradiin-Schools gudoonsiinayaan Jaa,iasada oo uu Ardeyga kaalinta koowaad ka galey Imtixaankii gudoonsiiyay lacag dhan 800,000 oo lacagta Shilnka Somaliland ah iyo Ardeyga kaalinta afraad galey oo uu gudoonsiiyay lacag dhan 600,000 oo shilinka Somaliland ah.

Agaasimaha Waxbarashada Dugsiyada Gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada Muuse Muxumed Shide oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay doorka tayada Waxbarasho ee Dugsiyada Nuuradiin-Schools Maamulka kartidiisa,dedaalkiisa iyo sida Ardeyda kormeerkooda iyo kawarheyntooda loo xoojiyay taas, oo sabab u ah in ay Dugsiyada dalka mar walba ka dhex muuqdaan.

tilmaamey in Ardeyda xiligii ay ahaayeen Maamulka iyo Macalimiintu kulansiin jireen Shakhsiyaadka martabada ku leh Somaliland oo uu ka xusey Sheekh Aadan-Siiro iyo Abwaan Hadraawi iyo inta lamidka ah.

Waxa iyaguna halkaa hadalo Qiima kaleh ka jeediyay Macalim Maxamed Raage Faarax oo sheegay in xiligoodii la gudoon siin jirey Mastarad,Istiigad,Qalin iyo wixii la halmaala maantase hurmarka Somaliland iyo doorka huramrka Waxbarasho ee Nuuradiin-Schools ay Jaa,isadii mareyso Baabuur taas oo noqotey mid lagama sheekeeyaan ah,oo layaab leh.

Waxa iyaguna hadalo qiima leh Munaasibadan ka jeediyay Pro:Cumar Faarax oo tafaasiil ka bixiyay in ay kamid yihiin Xubnaha Manhajka Dugsiyada Nuuradiin ee dedaalka adag galiya Ardryda wax ka barta.

Waxa kale oo isaguna hadal soo jiitey Ardeyda ka jeediyay halkaasi Ardry Cabaas oo kamid ah Ardeyda Sanadkan ee Fasalada Afraad oo tilmaan iyo Tusaale ka bixiyay in ay higsanayaan una duceynayaan Ardeygaasi iyo Ardeyga kale labadaba.

nuuradiin9-vert (1)