Somaliland: “Madaxweynaha Axmed Siilaanyo Badalaaya Illahay Ayaa Og, Innagu Odhan Mayno Kaas Weeye”. Xaji Cabdi Waraabe

0
963

Xildhibaan Xaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ah Xildhibaanka ugu da’da weyn labada gole Baarlamaan, ayaa ku dar-daaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa inay laba shay xooga saarto inta xilka ugu hadhay, Xaji Cabdi Waraabe oo ka hadlaayay furitaanka dhismaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamatarta wuxuu yidhi.

“Madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa Wasiiraduba si wanaagsan ayay wax u wadaan, waxaan leeyahay wax qabadkiina ku dara laba dhibcood oo gacmaheena ku jira, kuwaas oo ah Biyaha iyo Sibidhka, labaduba gacanteena ayay ku jiraan sidoo kale waxaan Madaxweyne soo jeedinaynaa in hoos loo eego shaqaalaha hoose ee duruufaha kala duwani haystaan intaydaan Xukunka ka degin in kuwaasna la eego ayaanu soo jeedinaynaa.”.

Xildhibaan Cabdikariin Xuseen oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Madaxweynaha soo socda ee inoo badali doona midku doono ha noqdo, innagu kaa odhan mayno illahay ayaa og, waxaynu leenahay alle haka dhigo mid sidaa wax u qabta. “Sida waxa yidhi Xaji Cabdi Waraabe.