Somaliland: Kulankii U Dembeeyey Ee SAHAN Bar-Waaqo Oo Xubnaha Guddida Iyo Hoggaankoodu Ay Isku Turxaan Saareen

0
753

GUDAHA KA AKHRI: Qoddobo Xaasaasi Ah Oo laga soo saaray Fadhigii Guddida Iyo Mawqif Cusub Oo Mideeyey Cududii Siyaasiga Ahayd ee SAHAN BARWAAQO Oo Garab Istaagay Xukumadda

Kulankii U Dembeeyey Ee SAHAN Bar-Waaqo Oo Xubnaha Guddida Iyo Hoggaankoodu Ay Isku  Turxaan Saareen

Fadhigii ugu danbeeyay ee ay Xubnaha iyo Hoggaanka Guddida Guud Ee Beellaha Ciidagale U Qaabilsan jaangoynta siyaasadda iyo horumstinta arrimaha Bulshada ee Loo yaqaanno SAHAN Barwaaqo ayaa la weriyey in layskula qaatay qoddobo nuxur ahaan dhinac isugu beydhinaya mawqifka beeshaasi ka aaminsan tahay geeddi socodka Siyaasadda iyo halka ay isugu biyo shubanayso cuddudooda taageero.

Fadhigan oo dhawaan ka dhacay magaallada Hargeysaoo ay isugu yimaadeen xubnaha sar-sare ee guddidaasi ayaa sidoo kale lagu lafo  guray qoddobo   ku tacalluqa arrimaha dhaqan-dhaqaalle, Bulsho iyo midda siyaasadeed ee Deegaanka ay matalaaan, iyadoo ugu danbeyntiina laga soo saaray qodobo dhawr ah .

Xubno ka ag dhawaa shirkaasi ay Sahan Barwaaqo yeellatay oo ka cudur daartay in la xuso magaciisa ayaa Warbaahinta HUBAAL u sheegay in lafo gur dheer oo lagu sameeyey  amuuraha ay guddidoodu u dhisan tahay inay kaarrimiyaan, halkaasi la iskula qaatay qoddobao ay kamid yihiin:

  1. In lala shaqeeyo xukuumadda maadaama ay taladii Dalka hayso, lagana doonto xaqa deegaanka, Xisbiyadana aan lagu milmin.
  2. In kulan degdeg ah lala yeesho dhammaan mas’uuliyiinta xukuumadda ugu jira Deegaanka, ee ku magacaaban Digreeto Madaxwayne.
  3. In Guddi Hoosaadyada la dardargaliyo, isla markaana lixdii bilood-ba sy Guddoomiye doortaan, la iskuna dhafo guddiyada marka loo baahdo.
  4. Xubnaha Guddida Sahan Barwaaqo iyo Hogaankoodu in ay Bil walba isugu yimaadaan Kal-fadhi.
  5. In Labadii xubnood ee ka tirsana Guddida Sahan-Barwaaqo ee xilalka ka qabtay Guddida Garxajis iyo Dawladda in loo eego xeerka iyo sharciga guddida guud ee sahan barwaaqo, Maadaama Guddida Sahan-Barwaaqo ay u arkaan Guddida Garxajis, Guddi Siyaasadeed.

Kulankan ayaa  ahaa mid ay gebogebadiisii isku turxaan bixiyeen xubnaha guddida iyo Hoggaanka sare Sare ee SAHAN Barwaaqo,   sidoo kalena ay kaga arrinsanyeen sidii ay u dardar-galin lahaayeen hawlaha shaqo ee ay u igman-yihiin.