Somalia Dawladda Kenya Oo Aan Saaka Qaad U Dhoofin Waddanka Maamulka Muqdisho.

0
969

Dalka Kenya gebi ahaanba kama aysan duulin diyaaradihii Soomaaliya geyn jiray qaadka kaddib markii dowladda Soomaaliya ay si ku meel gaar ah ku hakisay qaadkii dalka la gayn jiray

Ganacsatada qaadka oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyay in garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan uusan saaka ka dhoofin qaad.

Waxa ay intaasi kud areen in tallaabadani ay qaaday dowladda ay dhaawaceyso ganacsigooda maadaama lacago badan ay uga maqan tahay ganacsatada qaadka ee gudaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa talaabadaan u cuskatay arrimo amni, inkastoo aysan shaacin sababaha dhab ahaantii ku kalifay in ay qaaddo talaabadan.

Soomaaliya ayaa waxaa maalintii ka dega dhowr diyaaradood oo sida qaadka laga keeno dalka Kenya, iyadoo Soomaalidu la sheego in ay yihiin dadka ugu badan ee cuna qaadka Kenya.

Kenya ayaa qaadka ay Soomaaliya u dhoofisa waxa ay ka heshaa dakhli aad u badan, iyadoo qoysaska beeraleyda Meru ay si weyn ugu tiirsan yihiin ganacsiga qaadka.