Somaliland: Xildhibaan Indho-Indho Oo Mudaneyaasha Galbeedka Somaliland Ka Waaniyey Hadallada Xanafta Leh Ee Bulshada Kicinaya

0
708

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa baaq u diray Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka kaga Gobollada AWDAL, SELEL iyo Maroodi-jeex, kuwaasi oo hadallo Xanaf lahaa oo ku aaddan Khilaafka Dhuleed ee Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa isku mariyey Warbaahinta dhawaan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Xildhibaannada kula taliyey inay doodaha ku aaddan halka ay ka tirsan yihiin Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa ay la yimaaddaan Golayaasha Baarlamaanka isla-markaana ka dooddaan, halkii ay Warbaahinta iska weerari lahaayeen.

“Waxaan Farriin u dirayaa Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland kaga jira Gobollada AWDAL, SELEL iyo MAROODI-JEEX, waxaan leeyahay Mudaneyaal waxaad tihiin Waayeelkii Qaranka, waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ka deysaan hadallada Xanafta leh ee aad Bulshada ku faafinaysaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan leeyahay intaad Labadiina Gobol isku timaaddaan Golaha kaalaya oo dhaha wax Bulshada ka farxiya, waxaad u baahan tihiin inaad Golaha ka ansixisaan meesha Lixdaa Goobood yihiin oo aad ka dooddaan.”