Somaliland: Siyaasi Cali Guray Oo Kabaha La Dulmaray Heshiiska Dp World Ee U Qayb Ka Yahay Faysal Cali Waraabe

0
838

Guddoomiyaha Saddexada Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray Ayaa Si Qoto Dheer Uga Hadlay Heshiiska Dekedda Berbera Ee DP World Ee U Faysal Cali Waraabe Dhex ka yahay Heshiiska Dekeda Lago Wareejinayo Cali Guray Oo Soo Dhigay Qoraal Kuban Faceoogiisa aya Waxa U Yidhi:> HESHIISKII NIJAASOOBAY IGA DAA
Kuwan Ina Cali Waraabe ku xaragoonayaa ee uu ka midka yahay cidda ka shakiday wax bay ogaayeen oo war iga dhinaa bay hayeen iyo in aan dan qaranba loo jeedine koox iyagu wada danaysanaya oo qofba qurub meel ugu qarsoon yahay uun la ahaa.Caawa ayuun baan wax fahmay oo Ina Cali Waraabihii quruskiisu maqnaa wuu degdegay eh meel buu u sii yaalay. Durtaba ma Marxaladii aan sii sheegay ee fulinta iyo qaataye qaado ayaa bilaabantay? Waa ayo cidda ii sheegi karta waxa aan qudhun huursan ahayn ee Faysal weftigan uga midka yahay? Yaa igu odhan kara waa wanaag? Yaa igu odhan kara waftiga Faysal oo sidii cawl gooni joog ah keligii gaaf wareegaya oo cid walba nacday kuwa jecel inu ka mid noqdo ee ka maarmi waayay ayaan dilaaliin is urursatay ahayn? Hadii aanay ahayn oo aan Ilaa Xasan Sheekhii uu sheegayay sidii ilko dameeraad hoosta laga wada taxnayn bal Sacad Cali Shire baahida uu Faysal u qabo iyo wanaaga uu kula dhex jiro ha inoo sheego

HAA HADAAN HOOYAA!
Faysal markii hore la inooma sheegin inu ka mid ahaa waftiga. Hore wuxu inoogu sheegay inu isagu u dhexeeyay Madaxwaynaha Somalia iyo xukuumadeena oo weliba isagu ahaa ninka Xasan Sheekh ka iibiyay mashruucan ee ogolaysiiyay laakiin aan xaqul qalimkii waxba looga qadhiidhin. Hadaba anigu waxan leeyahay Ina Cali Waraabe hadii arinta Heshiiska DP World uu si toos ah iyo si dadban mid uun ugu lug leeyahay arlo dhimatay, aniga markii hore wax sheekada iigu jirayna may ahayn. Racfaankii uu ka qaatay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta oo la sugayo ayuu iska dhoofay maantana waftiga Xukuumadda ayuu qayb ka yahay sida aynu aragno. Miyaan shaki laga qabi karin in ay wax jiraan oo Maxkamadda Sare, Xukuumadda, iyo Faysal ay wax u hooseeyaa jiri karaan xataa hadii aan xukuumad ahaan loo dhamayn? Nin xisbigiisii burburiyay oo dacwadiisi ay Maxkamadda Sare la taal anigu maan garan ahmiyadda gaarka ah ee waftiga Xukuumadda uu u leeyahay iyo mudnaanta aanu geyin qarankana ka mutaysanin ee sida gaarka ah loo siinayo. Xisbigii oo dhan ayaanu faraha uga qaadnay oo aanu u daynay in isagu uu keligii iska walaaqdo ilaa inta isaga iyo sharcigu soo kala adkaanayaan markaa tan miyaan loo qaadan karin fariin toos ah oo xukuumaddu ay u dirayso Xisbiga UCID ee uu dembiga ka galay Ina Cali Waraabe. Tan kale ogaada wax uu ku dhex jiro Ina Cali Waraabe oo khayrba laga malaysan karaa ma jiro eh. Waftiga xukuumaddu muxuu nagu qancin karaa ma in Faysal waxay u wataan wanaag yahay? Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk taa dameero loo sheeg. Anigu sidii AHN Bayte waxoodiiba caawa ka hor kamaan shaacin timirna laf baa ku jirta arinkanna mid aan liqi karayo maaha

Cali Yuusuf Ali Guray