daawo siduu mudaharaadku u dhacay: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ka Hadlay Rabshado Ka Gadoodsan Dilalka Qorsheysan Oo Shalay Ka Dhacay Laascaannood

Rabshado is-barkan oo   galaaftay laba askari, shan qof oo kale-na ku dhaawacmeen ayaa shalay ka dhacay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool. Labada askari ee ku dhintay rabshadahaas waxa mid ka mid ah dilay askarta booliiska ee Laascaanood, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Taliyaha qaybta, arrintaas oo is faham waa ka dhex dhalisay marxuumka dhintay iyo askar uu Taliyuhu amray inay soo qabtaan . Halka askariga kale-na ay dileen qaar ka mid ah dad shicib ah oo gadoodsan oo weeraray saldhiga kadib markii uu dilka hore dhacay, dadkaas oo sidoo kale-na markooda horeba ka mudaharaadayey dilal qorshaysnaa oo maalmihii ugu danbeeyey ka dhacay magaaladaas, kuwaas oo ay dalbanayeen in wax laga qabto. Labada dhacdo oo is-biirsaday ayaa sababay khasaare kale oo isugu jiray in la gubo gaadiid iyo xafiisyo dawladdu leedahay, kuwaas oo uu soo gaadhay khasaare balaadhan, halka maxaabiis ku xidhnayd saldhiga dhex ee magaaladaas na la sii daayey. Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa la wareegay maamulka magaaladda waxaana lagu soo dabaalay xaaladda mid nabadgelyo ah. Xukuumadda Somaliland ayaa u dirtay Laascaanood wefti baadha dhacdada keentay dhibaatadda ka dhacday magaaladdaasi.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland, ayaa  Ka Hadashay Rabshadihii shalay  ka dhacay magaaladda  Laascaanood ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira, kuwaas oo ka dhashay dadweyne ka gadooday dilalka qorshaysan ee ka dhacay magaaladdaasi, ka dibna isku bedelay rabshado khasaare kala duwan sababay. Wasiir ku xigeenka Caddaaladda Somaliland Yuusuf Axmed Faarax oo ka hadlay rabshadahan khasaaraha sababay ee ka dhacay magaaladda Laascaanood, ayaa sheegay in ay wadaan dad fidmo wadeyaal ah, waxaanuu sidaasi ku sheegay mar uu laascaanood kula hadlay telefishankaSomalinewstv. Wasiir ku xigeenka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Dilalka qorshaysan ee magaaladda ka dhacay ee ay dadku ka cabanayaan waxbaa laga qabanayaa Maxaabiis dil ku xukunnaa ayaa la sii daayey, qoraallo dhukumentiyo ahaa waa la baabi’iyey, Askari aan waxba geysan ayaa la dilay ama la dhaawacay, waxaan leeyahay gacmaha magaaladda qasaya waa in laga foojignaado, khalad dhaca waa la saxaa laakiin in waxaayabo kale lagu sii daro ma aha, ma aha in lagu eego dad magaaladda gubaya oo booliska oo keliya lagu eego ma aha waa in shacabka lagu baraarujiyo arrinta”.