Somaliland: Nuxurka Todoba Qodob Oo Shalay Soo Saareen Guddi Hoosaadyada Golaha Guurtida JSl Sida Guddida nabad-gelyada Iyo Guddida Dhaqaalaha

0
706

Waxa shalay Gudi-hoosaadyada Golaha Guurtidu soo saareen todoba Qodob, Hadaba Shabakada Gudgudenews.com ayaa khadka Taleefanka ku waraysatay Xildhibaan Ibraahim Ciise Xaaji Buux Oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Jsl Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Arrimaha gudaha, Nabadaynta Iyo Difaaca, Waxaanu tafaasiil Dheeraad ah Naga siiyey todoba Qodob ee ay Soo Saareen Isaga , isaga oo sheegay in kalfadhigan Shalay Ka Qabsoomay Golaha Guurtida JSl Oo Ka Hadleen Oo Kaliya Guddida Arrimaha Gudaha,Nabadeynta iyo Difaaca Iyo Guddida Dhaqaalaha.
Xildhibaan Ibraahim Ciise Xaaji Buux Waxaa Ka mid Ahaa Hadaladiisii
“qdobada Qodobna Waxa Ay U dhignaayeen Sidan;
Gudida arrimaha Gudaha, badgelyada Iyo Difaaca
Sidii loo heli lahaa nabadgelyo iyo xasillooni waarta oo uu qaranki yeesho
in nabadgelyada iyo horumarinteedu u baahantahay wax ka qabashada qodobadan soo socda
Qodobka 1aad in cadaalada oo meel fiican inoo marayso in lasii horumariyo
2aad in ciidanka nabadgelyada wadooyinka tayadooda kor looqaado sida gaadhi wiisha iyo mootooyin iyo Iyo wixii la mid ah
3aad si wax looga qabto daryeelka Xoolaha Nool Oo Laf dhabar u ah dhaqaalaheena in dhulka seerayaasha ah ee sida sharci darada loo ootay buur iyo banaan ay baa’bi’iyaan hay’adaha ku shaqada lihi
4aad Wasaarada arrimaha guduhu xuduuudaha gobolada iyo degmooyinka ha hagaajiso inta doorashooyinka ka horaysa si aanan hadhaw la iskugu qab qabsan
5aad waa in xukuumadu tabashooyinka dhinaca dadweynaha uga imanaaya ay hubiso tix galisana wax ka qabato inta awoodeedu saamaxdo
6aad si loo hello Nabad gelyo Iyo Xasillooni Waarta Waa in Cid Kasta Oo Wax qabanaysaa U marto Sifo Sharciga Waafaqsan ayna iyadu sharciga gacanta ku qaadan
7aad in Dawlada iyo Shacabba aynu nabadgelyada meel uga soo wada jeedsano.