Somaliland: Madaxdii Xisbiga WADDANI Eewaaxaha M/Heybe Iyo M/Mooge U Sarraysay Oo Xilalkii Iyo Xubinnimadiiba Iska Casilay

0
943

Toddobaad Gudihii Waa Markii Labaad Ee Saraakiil Saresare ka Hulleelaan Xisbiga WADDANI Oo  Haatan U Muuqda Tusbax Furmay

Masuuliyiin xilal sare ka hayey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa shaaciyey in ay iska casileen xisbigaasi, kuwaas oo kala ahaa Guddoomiyihii degmada Maxamuud Haybe, Guddoomiyihii Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa iyo xubno kale oo si wada jir ah u sheegay in ay iska casileen xisbiga waddani.

Xubnahan sheegay in ay iska casileen Xisbiga Waddani oo shir Jaraa;id ku qabtay Hargeysa, ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen sababaha ku kellifay in ay iska casilaan xisbiga ay xilalka ka hayeen ee waddani kana tirsanaayeen, waxaanay sheegeen in ay caddaynayaan in ay iska casileen xisbigaasi xubinnimadii ay ka haayeenna ka bexeen

Guddoomiyaha Waddani ee degmada Maxamuud Haybe Maxamed muxumed ciise (foore) oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi  “Waxaan halkan ka cadaynayaa xisbiga waddani in aan iska casilay xisbiga waddani sababo badan awgeed, waxaanu ahayn dhalinyaro badan oo dedaalayey, markii aanu aragnay in xisbiga Guddoomiyaha mooyaane aanay jirin cid kale oo shaqaynaysa waxaanu garanayn in aanu iska casilno xisbiga waddani xilkii iyo xubinii aan ka ahaaba”

Guddoomiyaha Degmada Maxamed Mooge ee Xisbiga Waddani Dr Maxamuud Cabdi Qiyaas oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa faah faahiyey sababta uu isku casilay, waxaanuu yidhi  “Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan iska casilay xisbiga waddani xilkii aan ka hayey iyo xubintii aan ka ahaaba, waxaana sababay ee ugu muhiimsan waa wax aanu ka tashanay muddo mana aha go’aan aan deg deg u gaadhnay, waxaanu garanayn in aanaan cidlo fadhiyin oo aanu iska casilnay xisbiga”

Guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga waddani ee degmada Maxamed Mooge Liibaan Cabdiraxmaan Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan cadaynayaa in aan iska casilay xisbiga waddani  xilkii aan ka hayey iyo xubintii aan ka ahaaba waan iska casilay”.

Waa masuuliyiintii labaad ee toddobaad gudihii ka hulleela xisbiga WADDANI, sida laga warqabana Dorraad ayay ahayd markii uu isna xilkii uu xisbigaasi u hayay iyo xubinnimadiiba iska casilay Eng. Axmed Cali Ubaxle oo Arrimaha ganacsiga iyo dhaqaallaha xisbigaasi u qaabilsanaa,