Somaliland: Cali Guray Oo Farta Ku Fiiqay Tuugnimada Faysal Cali Waraabe

0
933

Guddoomiyaha Saddexad Ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray Oo Imika Qoraal Kuban Soo Dhigay Barta U Ku layahay Facebooga Faysal Cali Waraabe Kabaha La Dulmaray KuNA Tilmaamay Tuuga Ugu Weyn Waxanu Yidhi Sida Tana<>

HADMAAN SAAN KA WAYNIYO
SHEEKADA U XIDHAY SAAB?

Ina Cali Waraabe wuxu ka talin karaa keliya wax la xadayo, wax la khiyaamaynayo, wax la burburinayo, wax la basaasayo, iyo wax la baabi’inayo. Ninka xisbigiisa halkuu dhigay la ogyahay ee cadahay ee cid waliba ogtahay ee haduu hadlo beenta sheegaya ee hadii la aamino wax khiyaamaynaya hadii uu wacad galo aan oofinayn eh ka baxaya ayaa ka mid ah waftiga Xukuumadda oo la yidhi kaalay ka tali Dekedda Berbera wax la aqbali karo maaha mana oolaanayno in kolba boqolaal kun oo doolar uu ku baabi’iyo UCID jeebka loogu soo shubo. Inanka Mashruucan ka taliya ee gacanta ku wada haysta ama loo wada geliyay talada mashruuca DP World oo dhan ayaa si gaar ah ugu yeedhay Ina Cali Waraabe oo Hoteelkii waftiga dejiyay oo isaga ayuu gacanta ugu jiraa sida la soo xaqiijiyay. Dekedda Berbera marka Ina Cali Waraabe ka talinayo miyaa la duminayaa mise waa la dhisayaa? Maxayse tahay fariinta uu horjoogaha waftigu annaga oo UCID ah oo Faysal Maxkamad Sare is kula jirna noo soo gudbinayaa? Waxanu ku haysnaana waa been iyo khiyaamo iyo tuugo iyo in xisbigii uu Gudoomiyaha ka ahaa gacantiisa ku burburiyay fariinta na loo soo dirayaana wax kale maaha ee waa idinka ayaa beenaalayaal ah oo khaayimiin ah ee Faysal baa UCID iyo Dekedda Berberaba idiinka daacadsan oo wax garanaya waxna laga waydiinayaa. Ina Cali Waraabe cid ka sii xun oo isagu uu dhaamo ayuun baa sidaa qabi karta waana cidda isaga u yeedhatay ee weftiga xukuumadda ku darsatay oo aan Dekedda Berbera dan iyo muraad ka lahayn eh lacag urursi oo keliya u jeeda. Heshiiskii DP World way muuqataa in wan-qashiisii looga dhigayo Axan iyo Fidde oo aan loo jeedin mustaqbalka fog ee lagu kala tegayo inta doorashada ka horaysa. Markaa bal waanu sugaynaa oo waanu uga fadhinaa in na loo cadeeyo waxa waftiga xukuumadda iyo Dacwaysane Faysal isku daray ee dan ah.