Somaliland: Askari Dilay Askari Kale Oo Kacdoon Dadweyne Ka Abuuray Laascaanood, Wasiir FARATOON & Maayarka Magaalada Oo Uga Warramay Khasaaraha Ka Dhashay

0
1013

khilaaf iyo is Af-garanwaa Booliska dhexdiisa ka yimid uun bay ahayd, mana aha wax fikrad kale ka danbayso ee waa dad isku cadhooday, sidaa awgeed ayaa labada Askari mid ka mid ahi uu ku dhintay….” Wasiirka Arrimaha Gudaha – Wareysi Gaar Ah

Shacab Hubaysan Oo La Wareegay Saldhigga Dhexe Ee Booliiska Laascaanood, Waxayna Gubeen Baabuur Yaalay Saldhigga

Inta la Og-yahay Laba Askari oo Booliis ah, ayaa ku dhintay Iska Hor-imaad Axaddii Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay Shan Qof oo Saddex Shacab yihiin, labana Booliis.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa waxa uu iska Hor-imaad ku dhex maray Ciidanka Booliiska iyo Dablay hubaysan oo Gacan ka helaya Shacabka Magaalada, waxaana Dagaalkaasi sababay dhimashada Laba Askari oo Booliis ah, dhaawaca Shan Qof oo Laba Booliis yihiin, waxaana dablayda oo Shacabka ku gabbanaya u suurto-gashay inay la wareegaan Saldhigga dhexe ee Magaalada isla-markaana Dab-qabadsiiyaan Gaadhi yaalay, wallow markii dambe Ciidammada Milletarigu ka caydhiyeen.

Iska Hor-imaadkan Khasaaraha badan dhalliyey, ayaa bilaabmay ka dib markii Askari Boolis ahi uu toogasho ku dilay Askari kale oo sida la sheegay ay is khilaafeen Xilli Dadweynaha Magaalada qaarkood dhigayeen Mudaharaad Salmiya oo ay ku dalbanayeen in wax laga qabto Dilal qorsheysan oo Maalmihii u dambeeyay ka dhacay Magaalada Laascaanood, Dilkaas oo sababay in Dadkii Mudaharaadayey oo ay ku jiraan Ehelada Askariga dhintay ay Weerar ku qaadaan Saldhigga dhexe ee Booliiska, sida uu Wargeyska Himilo Xalay khadka Telefoonka ugu sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Cumar Maxamuud (Faratoon).

Wasiir Faratoon oo ugu horeyn ka hadlaya Xaaladda Laascaanood Rabshadaha ka dib, ayaa yidhi, “Imika (Xalay) way kala deggan tahay Magaaladu oo way joogsadeen rabshadihii ka dhacay Maanta (Shalay), rabshadaasi laba Nin oo Booliis ah ayaa ku dhintay illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee, waxa kale oo ku dhaawacmay saddex Qof.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay khasaaraha ka dhashay Rabshadda, “Waxa ay rabshadani ka bilaabantay markii ay isku soo baxeen dad ka cadhaysan dilalkii hore ee ka dhacay magaalada, balse waxaad mooddaa inay ka faa’iideysteen (Dadka dhibka geystay) Dumar iyo ciyaal buuq buuqaya, haatanse rabshadaasi way soo af-goday oo wax ka jiraa ma jiraan”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo faahfaahinaya Dilka Labada Askari ee Booliiska ah oo midkood Saldhig u ahaa inay Rabshaduhu bilaabmaan, “khilaaf iyo is af-garanwaa iyo waxyaalo booliska dhexdiisa ka yimid uun bay ahayd, mana aha wax fikrad kale ka danbayso ee waa dad isku cadhooday, sidaa awgeed ayaa labada Askari mid ka mid ahi uu ku dhintay iyaga dhexdooda (Booliiska), Askariga kalena waxa uu ku dhintay markii ay Saldhigga soo weerareen dad ka gadooday dhimashada Askarigaasi hore”.

Geesta kale, Maayarka Magaalada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac oo isaguna Xalay u Warramay Wargeyska Himilo, ayaa faahfaahiyey siduu ku bilaabmay sida wax uga dhaceen Magaalada ayaa yidhi, “Saaka (Shalay) waxa jiray Qolo si Caalamiya uga Mudaharaadeysay Dilalka Cidda geysata aan la garanayn ee ka dhaca Laascaanood, Dilalkaas oo uu ugu dambeeay Nin Ganacsade ahaa iyo Nin dhalliyaro ah oo dhawaan la dhaawacay. Markaa Dadkaasi dhib ma lahayn oo waxay lahaayeen Cidda Dadka leynaysa hala helo, laakiin waxa dhex raacay Dadka uu ka dhintay Askari Booliis ah oo uu Dilay Askari kale oo Booliis ah oo ay isku Af-dhaafeen (Mudaharaadayaasha Awgeed). Dabadeed (Dadkii) waxay ka daba tageen Askarigii Booliiska ahaa (ee dilay Askariga hore) Qoriga dhiib bay ku yidhaahdeen wuu diiday, dabadeedna laba Xabbadood baa Ninkaa ku dhacay oo wuu dhintay. Dabadeedna Mudaharaadayaashii iyo wixii kale (Dablay) is-kaashanaya ayaa ku ururray Booliiska (Saldhigga), Booliiskuna Xabado ayuu ku riday si uu iska didiyo.”

Maayarka oo sii faahfaahinaya khasaaraha ka dhashay Dagaalka Dablayda Shacabku taageerayeen iyo Booliska, ayaa sheegay, “Xaaladdii waxay isku rogtay Shacabkii iyo Booliiska, dagaalka halkaa ka dhaceyna wuxuu socday Saacad Badhkeed, waxaana Booliiska laga saaray Saldhigga-dhexe, waxaana ku dhintay Askari, waxa dhaawacmay Laba Askari oo Booliis ah iyo Saddex Shacab ah. Gaadhi Saldhigga yaalay waalla gubay Koombiyuutarro yaalay way jajabiyeen, laakiin markii dambe qaybta 7-aad ee Ciidammada Qaranka oo Magaalada soo galay, ayaa la wareegay Saldhigga oo ka saaray (Shacabkii iyo Dablaydii qabsaday). Markaa dhimashadu waa Laba Booliis ah, dhaawacuna waa Laba Booliis ah iyo Saddex Shacab ah.”