Somaliland: Wasiirka Daakhiliga Oo Xildhibaanada Awdal Iyo Hargeysa Uga Digay Hadalada Naxliga Leh

0
879

Wasiika Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay hadaladii hanjabaada ahaa ee ay warbaahinta isku mariyeen Xildhibaanda ka soo jeeda Deegaanada lagu muransan yahay ee Waqooyiga Maroodi-jeex, waxaanu ugu baaqay Xildhibaanadan in aanay dadka iska hor keenin, oo colaad aanay dhex dhigin, ee maslaxada iyo xasilooda ay ka shaqeeyaan, waajibkii iyo xilkii loo igmadayna ay gutaan, waxaanu xusay in Xukuumaddu ay gacanta

Wasiika Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Deegaanka Dararweyne, waxaanu sheegay in hadda wax dhib ah aanu jirin, waxaanu sheegay in aanay cidna ku yeelaynin in fidno iyo dhibaato dadka laga dhex abuuro, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya“Xaaladu wey wanaagsan tahay, wax dhib ah oo ka taagan halkii dhibtu ka dhacday ma jirto,wax dhib ah oo ka soo korodhayna ma jirto,  Dawladdaa gacanta si fiican ugu haysan oo nabada ka shaqaynaysa”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu si gaar ah baaq ugu diraayey labada beelood ee ku dagaalamay  gobalka Sanaag ayaa yidhi “Labada Beelood ee walaalah ah waxaan ugu baaqaya inay joojiyaan mushkilada, dadkii dhintay ILLAAHAY ha u naxariisto, dadka dhaawaca ahna ILLAAHAY  ha bogsiiyo, oo Caafimaad baan u rajaynayaa, waxaana ugu baaqaynaa inay joojiyaan shaqaaqada iyo dhibaatada iyo colaada la oogayo, waxaanan u sheegaya in aanay Dawladdu u dulqaadan doonin cidii dhib wada, cid dambe oo loogu dulqaadanaya, oo laga saamaxaya ma jirto in la fidiyo fidno iyo wax aan loo baahnayn,waxaanan rajaynaynaa in nabadgalyadii iyo xasiloonidii la soo celiyo oo wanaag lagu dhaqmo”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey Xildhibaanada ka soo jeeda Awdal iyo Hargeysa oo jeediyay hadalo ku saabsan lixda goobood ee waqooyiga wuxuu yidhi  “Waxaan Xildhibaanada ugu baaqaya inay joojiyaan waxyaabaha colaada iyo af xumada ah ee aan loo baahnayn, waana inay dadweynaha ay xilka u hayaan ixtiraaman oo ay qadariyaan, waxaana wanaagsan  in dadkana aan dhibaato la dhex dhigin,oo wanaagooda laga shaqeeyo, Dawladdana deegaanadaas gacanta ku haysa oo ka masuul ah.”