Somaliland: Wada-hadallada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Suurto-geliyey In Ciidammada Qaranku Sugaan Amniga Cali Khaliif Oo Gaadhay Gobolka Sool.

0
950

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno ka tirsan Kooxdiisa, ayaa Shalay Gaadhay Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxaana ku soo dhaweeyay Dadweynaha halkaa ku dhaqan.

Galaydh oo aan Socdaalkiisa la sii shaacin, ayaa isaga iyo Weftigiisu Magaalada Widh-Widh kaga qayb-galeen Xaflad loo sameeyay Wasiirka Amniga ee Kooxda Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo Widh-Widh ku guursaday.

Hambalyada iyo ducada uu Cali Khaliif u jeediyay Meherka Kayse iyo Xaaskiisa cusub ka sakow, wuxuu ka hadlay Wada-xaajoodyada u bilaabmay Kooxdiisa Khaatumo iyo Dawladda Somaliland, waxaanu sheegay inuu rajeynayo in Wada-hadalladaasi noqdaan kuwa midho-dhala oo ay ka faa’idaan Dadka deegaannada Sool iyo Buuhoodle oo uu xusay inay u baahan yihiin Nabadgalyo buuxda.

“Wada-hadallada Somaliland way bilaabmayaan (Dib u bilaabmayaan) Arrimo aad iyo aad u culusna waa laga wada-hadlayaa, wakhtigana way qaadanayaan.” Ayuu yidhi, Prof. Cali Khaliif Galaydh, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu ILAAHAY ka rajeynaynaa Somaliland noqdaan kuwii yeesha Aragti-dheer oo ah Danta guud oo meel looga soo wada jeedsanayo, Waayo? Dadkani waxay u baahan yihiin Nabad iyo inay Salka dhulka dhigaan.”

Maxaa ku cusbaa Safarka Galaydh

Warbaahinta ka hawl-gasha deegaannada Buuhoodle, ayaa baahiyey in Ciidammada Qaranka Somaliland ay u xil-saarnaayeen Amniga Weftiga Cali Khaliif isla-markaana Ciidammo ka raacay Duleedka Buuhoodle ku dhaweeyeen degmada Widh-Widh, wixii intaa ka dambeeyayna ay Amniga Weftiga la wareegeen Ciidammada Qaranka ee fadhiisimaha ku leh duleedka Widh-Widh.

Weftiga Galaydh oo Shalayba dib uga noqday Widh-Widh, ayaa Warbaahinta taageertaa sheegtay inay suurto-gal tahay inuu gaadho Magaalada Laascaanood, inkasta oo Warar kalena tibaaxeen inuu ku laabanayo Buuhoodle oo fadhiisin u ah Kooxdiisa.

Socdaalka uu Cali Khaliif ku tagay Widh-Widh, ayaa muujinaya in wada-hadallada Nabadeed ee dhawaan u bilaabmay Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo hoos dhigeen qalafsanaantii Dawladda Somaliland kula macaamileysay Khaatumo.