Somaliland: Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland Mudane Xudhuun Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

0
797

Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo ka  dhacay degmada lughaya ee gobalka Awdal.

Dhaawaca taliyaha ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, waxase dhaawiciisa lagu sheegay mid culus darawalkii baabuurka taliyaha.

Taliye Xudhuun ayaa kormeer ku marayay deegaanada Lughaya ee gobalka Awdal, waxaana xalay dhaawacooda la soo gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Borama.