Somaliland: Siyaasi Cali-Gurray Oo Soo Jeediyay Inay Wasaaradda Arrimaha Guduhu Ku Dhiirato In Lakala Xaddeeyo Goobaha Lixda Goobood Ah Ee Lagu Murran-Sanyahay,Ka Hor Inta Aan Diwaan-galin Laga Bilaabin.

0
1100

Wax ay ku kala duwan yihiin Wasiirka iyo Gudoomiyuhu oo sidaa ah ma arko. Hawsha Komishanka iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Gudoomiyuhu uu xukuumadda leeyahay mooyaan eh. Mawqifkii Febuary waxa ku qarsoon in aanay xukuumaddu waajibkeedii gudan balankii ay qaadayna ilaa hadda aanay fulin waana kala xadayntii ay masuuliyadeeda qaaday oo aanay fulinin. Xukuumaddu hadii ay doonto kala xadaynta ayay ka bilaabi kartaa lakiin wareegtadii hore Wasaaradda Arimaha Guduhuna wax kale ayay sheegaysay. Lakiin waxa fiican muranku ha ku hadho eh in ay ka badheedho kala xadaynta waayo maaha wax adag. Wasiirka cusubi in kasta oo arinku ku cusub yahay hadii uu si fiican u fahmo ma filayo in uu cidna ugu habran doono hadii xukuumad ahaan lagu raaco. Lagama shakiyi karo dhex nimadiisa oo ma qabo shakhsi ahaan in uu dan gaar ah ka leeyahay. Xataa hadii uu qaldamo anigu waxan leeyahay kun qalad baynu ogolaanaye kiisana waa in aan lagu qoonsanin ee la aqbalo kolay waynu ognahay oo wax wada sax ah la heli maayo eh si khilaafka siyaasiyiintu u dhamaado