Somaliland: Kooxo Hubaysan Oo Budhcad Ah Oo Ka Dilaacay Xaafado Kamida Magaalada Hargeysa Iyo Dhibaatooyinka Ay U Gaystaan Dadka Caasimada

0
795

Koox hubaysan oo budhcad ah isla markaana u badan dhalinayro iskuguna jira rag iyo dumar ayaa ka dilaacay xaafado kamid ah magaalada hargeysa.
Waxaana dhalinyaradan oo sida naloo sheegay ku hubaysan hub kala duwan oo ay kamid yihiin sida naloo sheegay Baange,Toorey,Budhadh iyo waliba Baastoolada ayaa waxay jidadka xaafadaha ku baadhaan dadka soo mara iyaga oo markaasina ka qaada waxay ay sitaan.
Dhalinyaradan oo koox koox u socota ayaa waxa u badan yihiin xaafada qudhac-dheer ee magaalada hargeysa,waxaanay dhalinyaradaasi dhibaatooyin xoogan ku hayaan bulshada habeenkii kasoo carawday suuqa una socota xaafadahooda.
Cabdicasiis Guuleed oo ku magac dheer “Jagac” oo kamida dhalinayarada magaalada hargeysa,dhigtana jaamacada Hargeysa kuliyadda Injineerin-ka (Engeneerin) isla markana ay dhalinayaradani qabteen oo ay baadheen oo ay shabakada Ramaasnews ka waraysatay ayaa waxa uu noo sheegay in dhalinyaradani ay ku qabteen baaskoolado isagoo maryay wado madow oo daba jeelka qudhac-dheer,waxaanuu uu Cabdicasiis sheegay inay markaasi ay ka qaadeen Lopton uu sitay iyo waliba moobilkiisii waxaanuu yidhi.
“Walal anoo habeen hore maraya mada luuqa oo daba marta jeerlka ayaa waxa igu sooo baxay dhalinyaro rag iyo dumar wada socda ah,waxaan is idhi waa dhalinayaro haasaa-waysee dhinac uga baydh, markaa waxaan digta ku sitay lopton,waxa mar kaliya I hor istaagtay uun gabadh la socotay dhalinyaradan waanay isalaantay,maarkaasi anoo yaaban ayaa waxa baange iyo baastoolad igu qabtay laba iyaguna raga oo la socday waxay igala dageen computer-kii aan sitay,waxa kale oo ay qaateen mobile-kii gacanta iyo lacag yar oo faragsan ahayd oo jeebka ku jirtay”sidaas ayuu yidhi Cabdicasiis.
Wali isagoo hadalkiisa sii wata Cabdicasiis Jagac ayaa waxa uu intaa raaciyay.
“Waliba walaal sidaa igagamay tagine waxay igu yidhaahdeen raaci oo sheeg Furaga gaarka ah ee ZAADA (Pin-ka ZAAD),runtii waa baqay anoo naxsan oo isleh hadbay ku dili ayaan u sheegay waxaana markaasi ku jirtay Zaad-da lacag dhan 23$ (Saddex iyo Labaatan Dollar),sidaas markii ay isii daayeen ee ay yaaceen ayay hadana waxa markiiba mobile ka qaadeen gabadh iyaduna I daba socotay oo aniga igu daba dhuumanaysay maadaam ay habeen ahayd oo mugdi ahayd meeshuna,walaahay dhalinyaradaasi dadka dhibaato wayn ayay ku hayaa walaal,aniga waxba imay yeelin inyar oo xagtimo mindiyeed ah oo qoorta ah mooyee”sidaas ayuu yidhi Cabdicasiis .
Cabdicasiis Guuleed “Jagac” mar aan waydiinay in uu la xidhiidhay laamaha amaanka ama saldhig booliska meesha ugu dhaw ayaa waxa uu noo sheegay inaanu la xidhiidhin balse uu sidaasi iskaga tagay waxanu yidhi.
“may walaal lama xidhiidhin umana tagin waayo dee qofna meel uu wax ku qaaday ma taagnaanayo ee wuu ka cararayaa iyaguna way yaaceen markaa maxaan uga sheegaa,mida kale inay ciyaal xaafad xun jiraan ciidankuba waa og yihiin”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdicasiis.
Dhalinyaradan hubaysan ee iskugu jirta wiil iyo gabdhaha ayaa waxay dhibaato ba’an ku hayaan bulshada caasimada hargeysa,waxaana iyaduna xusid mudan in ciidamada booliska Somaliland gaar ahaana Hargeysa ay daba galo ku hayaan kooxahaasi dhalinayrada ah ee waxyeelaynaya dadka .