Weftigii ka koobnaa Xubnaha golaha Wasiirada una Xilsaarnaa heshiiska Somaliland iyo Shirkada caalamiga ah ee DP World oo maalmahanba ku sugnaa imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai, ayaa ka war bixiyey hawlihii shaqo ee ay u tageen halkaas iyo halka ay wax u marayaan wakhtigan, iyadoo uu u hadlay weftiga wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Somaliland Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) waxaanu yidhi wasiir Cali Shoombe “ Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Al-xamdulilaahi rabil caalamiin, Wa Salatu wa Salamu ala Ashraf al-Ambiya’i wa Imam al-Mursaleen.Waxan halkan idin ku soo gudbinayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03/09/2016, in aanu beryahanba ku sugnayn Dubai, waana taan doonayo in aan idinla socodsiiyo warbixina idinka siiyo, halka ay noo marayso hawshii aanu u joognay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, annagoo ah wefti ka kooban wasiiro ahna guddidii dekeda Berbera ee la munaqashoonaysay shirkada Dubai Port World.

Waxa aanu beryahanba ku sugnayn magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, annagoo u joognay gebegebaynta heshiiskii baarlamankuna dhawaanta ansixiyey, ujeedada aanu halkan u joognaana waa tii baarlamaanku ansixiyey heshiiskaasi oo waa laysla ogol yahay ee hadday tahay farsamo yaqaanada iyo hadday tahay garyaqaanadii kale ee caalamiga ahaa iyo hadday tahay la-taliyeyaashii kale ee aanu qabanay iyo garyaqaanadoodu ay faah-faahintii ku jireen, layslana meel dhigayey wixii la qoraayey iyo sidii loo qori lahaa, heshiiskiina uu noo marayo marka xaqiiqda loo noqdo meel aad u qurux badan oo aad mooddo in aanu isla garanayno waxyaalo badan oo guuli labada dhinacba ugu jirto, innaga mabda’eena guud wuxuu ahaa horumarka dalka iyo sidii aynu u abuuri lahayn shaqo, iyadoo aynu ilaalinayno sumcada iyo magaca ummadda reer Somaliland, heshiiska sida aad la socotaan wuxuu ahaa heshiis caalamiya, heshiiskii ugu weynaa ee wixii ka dambeeyey 1991kii markii Burco lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland, qodobkii labaad ee inoo soo xigay wuxuu ahaa heshiiska aynu dubai World aynu la galnay.

Ugu dambayn waxan doonayaa in aan idinla socod siiyo inuu gebegebo marayo dhawaana aanu soo afjari doono, iyadoo aanu ku guulaysan doono Insha Allaahu Bi-idmilaahi kariim, In aanu saxeexno heshiiskii kama dambaysta ahaa, wakhtiyada dhaw ee inagu soo haya fooda, ilaa iyo hadana wax carqalad ah oo naga horyimid aanu jirin, kooxdayadii wada socotayna aanaan kala faraaro lahayn (Kala qaybsamin) ee aanu sidii aanu idinkaga soo dhoofnay ee aanu baarlamaanka hortiisa ku joognay aanu dad mida, mabda keliya leh, ujeedo keliya leh, kuna socda qorshaha, dhaqaalaha, iyo siyaasada uu nagu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxanan idin rajaynayaa oon idin balan qaadayaa in dhawaan aad maqli doontaan war farxad leh oo aanu ku soo afmeerno (afjarno) heshiiskaasi, waanad salaaman tihiin dhammaantiinba Shacbiga Somaliland meel aad joogtaanba guddo iyo dibedba”.

Wa-Bilaahi Tawfii

Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland