Somaliland: oo Aqbashay in Masar Ka Qayb ka Noqoto Wadahadallada Dhexdhexaadinta Maamulka Muqdisho

0
1083

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar, ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Wasiirka Khaarijiga dalkaas Dr.Samix Shukri iyo xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirrada Masaarida.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, waxa ay labada masuul kaga wadahadleen arrimo ku saabsan sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Masar.

Waxa kaloo wasiirradu kulankaas iskula qaateen qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin; in dawladda Masar qayb ka noqoto wadahadallada lagu dhexdhexaadinayo dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, in xukuumadda Qaahira kordhiso deeqaha waxbarasho ay u fidiso Somaliland iyo in la sii xoojiyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo ammaanka labada waddan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Masar Dr. Samix Shukri, ayaa ku bogaadiyey Somaliland nabadgelyada iyo dimoqraadiyadda ka hirgashay.

Dhinaca kale, weftiga Wasiirka Khaarajiga Somalilnad waxay kulamo kula yeesheen magaalada Qaahira xubno ka tirsan golaha wasiirrada Masar oo uu ka mid yahay Wassiirka Tacliinta Sare Dr. Ashref.

Sida lagu xusay warsaxaafadeedka kulanka oo qabsoomay xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare ee Masar waxay labada dhinac isku afgarteen in Somaliland si gooni ah loo  siiyo sanad walba 50 deeq waxbarasho jaamacadeed ah, inay dhinacyada cilmi-baadhista iyo tababarrada macallimiinta ka taageeraan jaamacadaha  Somaliland. Waxa kaloo Wasiir Ashref ballanqaaday dhammaystirka xarunta Dhaqanka Masar (Maktabadda) ee ku taal caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

“Sidoo kale, waxay weftigu la kulmeen Wasiir-ku xigeenka Tacliinta ee Masar Prof. Dr. Ahmed Elgeushey waxana kulnakaas ka soo baxay qodobaddan:

  • Khordhinta macllimiinta Masaarida ah ee wax ka dhiga dusgiyada Somaliland, waxana lagu kordhiyey 100 macallin oo kale.
  • Taageeridda jaamacadaha Somaliland, gaar ahaan kulliyadaha waxbarashada (Faculty Education) in ay ka caawiyaan in ay yeeshaan xarumaha tababarrada macllimiinta.
  • In Wasaaradda Tacliinta ee Masar dhanka tababarka farsamada ka taageerto Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera.
  • Taageeridda dhanka tababarrada macallimiinta iskuullada Somaliland
  • In ay Masar u soo dirto Somaliland wefti khubaro dhanka waxbarashada farsamada ah (Technical Education) si ay u darsaan baahiyaha waxbarashada dugsiyada farsamada gacanta ee Somaliland,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Weftigu waxa kaloo ay la kulmeen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar  marwo  Dr. Maissa Shawky, iyagoo labada dhinac isku waafaqay qoddobo la xidhiidha sidii dawladda Masaaridu gacan uga geysan lahayd horumarinta adeegyada caafimaadka Somaliland, waxana arrimaha kulankaas layskula qaatay ka mid ah;

  • In dalka Masar joogteeyo, una diraan Somaliland dhakhaatiir ka fuliya qalliinno bilaasha ah oo wata dawooyinkoodii sannad kasta
  • In dalka Somaliland la siiyo deeq waxbarasho caafimaad takhasus ah 5 dhakhtar sannad walba.
  • In dawladda Masar siiso Somaliland deeqo dawooyin ah, dawooyinkaasna soo diraan kadib marka ay Wassaaradda Caafimaadka Somaliland ka helaan liiska dawooyinka loogu baahida badan yahay dalka.
  • Dhammaystirka heshiishka is af-garad ee Wasaaradaha Caafimaadka labada dal kala saxeexdeen.

Weftiga uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  ee socdaalka ku jooga dalka Masar waxa xubno ka ah; Danjire  Cali Maxamed Axmed, Wakiilka Somaliland ee Yemen, Cabdiqani Ahmed  Goolle, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda Wasaaradda Khaarajiga iyo Fahmi Qaasim Maxamed oo ah Madax Bariga Dhexe iyo Aasiya ee Wasaaradda.