Somaliland: Madaxweyne Axmed-siilaanyo Waxa U Yaala Go’aan Labada Daran Mid Dooro Ah

0
1218

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku jira bilihii u dambeeyay ee muddo xileedka labada sannadood ah ee ay golaha guurtidu u kordhiyeen, ayaa wuxuu la daalaa dhacayaa laba go’aan midka uu qaadan lahaa.

Saddexda xisbi qaran ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku soo riixay go’aan ay iskaga fogaynayaan eeddo maxali ah iyo mid caalami ahba, ka dib markii ay isku raaceen inuu go’aan ka gaadho qaddiyadda saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadda laga filayaa laba go’aan midkooda;. Waa marka koowaad’e in isaga oo ka cararaya eedda saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo aad xasaasi u ah, uu golaha guurtida u soo jeedin doona inay muddo laba sannadood ah u kordhiyaan golaha wakiilada si mudadaas xal looga gaadho mawduuca saami qaybsiga.

Waa marka labaad’e, waxa iyana Madaxweyne Siilaanyo u bannaan in isagoo xilkiisa gudanaya uu ku dhiirrado in uu go’aan ka gaadho arrinta saami qaybsiga islamarkaana uu kaga dhabeeyo balantiisii ahayd in 2017 mar la wada qaban doono labada doorasho ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Haddii; uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqaaqo talaabada koowaad oo uu isku dayo inuu hoggaamiyaha isaga beddeli doona kaga baxsado eedaha beelaha Somaliland qaarkood ee saami qaybsiga islamarkaana uu soo jeediyo in muddo laba sanno ah loo kordhiyo golaha wakiilada oo hadda 11 jir ku ah kursiga, waxa ay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa isku dhici doonaan beesha caalamka ee taageerta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda muddo kordhin iyo dib u dhac doorasho labadaba.

Waxaana sida ay xogo uu Geeska Afrika helay sheegayaan, laga yaabaa in beesha caalamku go’aansato inay go’doomiso Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, taas oo dhaawac iyo dhibaato aan laga soo waaqsan karin u gaysanaysa horumarka, nidaamka iyo guud ahaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Haddii uu Madaxweyne Siilaanyo qaato talaabada labaad oo uu ka badheedho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada islamarkaana gaadho go’aan cad, kuna dhiirado in doorashada golaha wakiilada lala qabto doorashada madaxtooyada sidii horeba la isugu raacay, waxa iyana suurtogal ah inay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ay soo waajahaan kacdoono siyaasadeed oo qawada qaabka uu kuraasta u qaybiyay.

Sidaas marka ay tahay Madaxweyne Siilaanyo waxa hortaala laba daran mid dooro, waanay adagtahay inuu ka baxo meel dhexe oo aan labadan midna ahayn,  waxaanu taaganyahay mid ka mid ah jidadka lagu kala karto kartida iyo aragti fogaanta hoggaamiyaha. Sidaas oo kale labada talaabo midka uu qaataaba waxay saamayn ku yeelanaysaa xisbiga uu aasaasay ee KULMIYE oo galaya doorasho adag sannadka dambe ee 2017.

Diblomaasi reer Somaliland ah oo xogogaal u ah geedi socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka gabanayo go’aan Somaliland ay u baahantahay, “Madaxweyne Siilaanyo wuxuu taariikhda ku galayaa Madaxweyne ka gabaday go’aan dalkiisu u baahnaa wakhti adag. Waana halka laga qiimeeyo hoggaamiyaha qaran.” sidaas ayuu yidhi diblomaasigan oo intaas raaciyay “Waxa caalamka u muuqata in doorashada golaha wakiiladu u dabrantahay go’aanka Madaxweynaha laga sugayo ee saami qaybsiga kuraasta ee gobalada dalka. Cigaal iiyo Rayaale lamay gaban jirin inay qaataan go’aamo hoggaamineed markay qaranka la soo daristo arrimo noocan oo kale ahi.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Waxaan shaki ku jirin in xisbiyada mucaaradka ee hadda jiraa ay ka gaabiyeen kaalintoodii kaga beegnayd ku ilaalinta xukuumadda gudashada waajibaadkeeda iyagaana isku muuqda mucaaradku.”

Haddaba; Madaxweyne Siilaanyo oo lagu tilmaamo nin eedda neceb, waxa looga fadhiyaa inuu qaato go’aan hoggaamiye oo uu Somaliland ka badbaadiyo kacdoono siyaasadeed oo gudaha ah oo bulshada kala qaybiya iyo go’doono siyaasadeed oo caalami ah. Madaxweynaha waxa waajib ku ah inuu qaato doorka hoggaamiyenimo oo uu ku dhiirado go’aan cad oo dalka iyo dadkaba dan u ah, isagoo xasuusan marxaladihii adkaa ee ay hoggaamiyayaashii ka horeeyay kala soo dabaasheen Somaliland.