Somaliland: Laba Xildhibaan Oo Hadalladii Ugu Naxli Badnaa Uur Kutaalo Qabiil Ku Kala Fogeeyey Beelaha Woqooyiga Hargeysa Iyo Saylac

0
1160

Digil Iyo Midhifle Ayaa Dhaama Jaarnimadooda, Samaroon Iyo Ciise way Ayaan Daran Yihiin Markii Jaarkoodii Noqday Sacad Muuse”..Areeye

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin iyo Xildhibaan Cali Aareeye oo ka Wada Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Awdal,Kana soo jeeda Beesha Ciise ayaa ka hadlay Lixda Goobood ee Woqooyiga Hargeysa ee dhawaan laga samaynayo Qaadashada Diwaangalinta Kaadhka Codbixinta,waxa ay si foolxun weerar afka ah ugu qaadeen Beesha Degta Koonfurta,Galbeedka iyo Woqooyiga Magalaaladda Hargeysa ama Beesha Deegaanka Magaaladda Hargeysa ee Sacad Muuse,waxa ay si gooni ah gooni ah ugu weerareen weedho xanaf iyo Xajiin badani ka muuqato oo uur kutaalo Qabiil xambaarsan oo aad uga Cadhaysiiyay dadkii daawaday iyagoo wakhtiga ay hadalkaasi jeediyeen ku sugnaa Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland,kana oo ka soo jeeda Gobolka Salal ama Beesha Ciise ayaa ka dhawaajiyay Kalmado cadho badan dhaliyay oo aanu ka fiirsan,Waxa uu Dawlada ku eedeeyay inay Goobahaasi ku daad guraynayso Dad OROMO ah oo aan Somaliland u dhalan,taasi oo ay dadka badankoodu ku fasireen arin lafjab ku ah Qaranka uu mudanaha u yahay, iyo kicin dad weyne,waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maalin Walba Dulmiga lanagu Hayo Maxaad uga hadli laadiin ayaa lana lahaa, Waanu eegaynay uun oo waxaanu islahayn Ha Deg degina ee bal hubsada,Dadkii halkaasi deganaa Markaan Wasiirka Ciyaaraha ahaa waxaan ahaa raggii La yidhi taga oo waxaad tidhaahdaan Qaata waraaqaha oo hareerihiinii ka qaata,Markii loo furi waayay,Hareerihii ayay ka wada Qaateen,Baabuur ayaa lagu daabulay,Islaamaa ku Xanuunsaday daabulkaasi,Markii ay qaateen Waraaqihii ayaa la yidhi Meeshii ayaa la furayaa,Yaa loo furayaa,Haddaba dadkan imika la doonayo in la soo daabulo oo meesha la keeno ayaa la rabaa inay meesha ku qabsadaan codkoodaasi,Dadkii kalena Goobihii shishe,Ayaa lagu lambariyay,halkan oo madhan oo cidlo ah oo aanay cidna ku qornayn, oo dadkaasi Cusub ee Oromo ahaataa iyo cid kale ahaataaba ee imika la keenayo ayaa la rabaa inay ku degaamoobaan”.
Xildhibaa Cali Aaraaye oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda,kana soo jeeda Gobolka Salal oo ka hadlay Lixdaasi Goobood ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa Weerar Qaawan ku qaaday beesha dhexe ee Sacad Muuse waxaana uu yidhi“Dadbaa ka dida laba reer oo Soomaaliyeed hadday maanta wada qadeeyaan,Ciise iyo Gadabuursi ayaa wada Jooga oo wada fadhiya ayay dad badani ka didiyaan,Waxaan idiin sheegaynaa Qolada ka didaysaa Waligayo waanu wada joogaynaa,Balaayada nagu dhex jirta ee sidaasi noo dhex wareegaysay idinka uunbay ahayd,laakiin waan fahamnay,Ciise iyo Gadabuursigu Mar waxaan idhaa way ka nasiib daran yihiin,marka illaahay jaarkayagii ka dhigay SACAD MUUSE,Waxaan idhaahdaa Digil Iyo Midhifle ayaa malaha idiin dhaami lahaa,Ma Ragga Lix Goobood oo yar yar maanta doonaya inay Calaydh Iyo Galaydh,Iyo Hargeysa uu Muuse Biixi dad uga soo qaadayo Inuu kuu beero Lixdaasi Goobeed ee yar yar,dadkii lahaana la yidhi,meelahaasi kale iska soo diwaangaliya”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxaa la yaableh,Suldaankii habeen hore hadlayay Suldaan Sabayste,Magacaasi malaha waa Turkiye iyo wax eh,Suldaan sheegtay Suldaanka Guud ee Sacad Muuse,Suldaanka Guud waxaanu u naqaanaa Suldaan Xasan eh”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.