Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Iyo Wasiir Caddaani Oo Gacmaha Iskula Tagi Gaadhay Iyo Arimaha Laysku Seegay Ee Cadhada Keentay

0
1176

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani” iyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID ayaa la sheegay in dirqi laagu kala qabtay oo ay gacmaha isa saari gaadheen.

Waxaaana sida la sheegay dagaalka iyo in dirqi lagu kala qabto labadan masuul ay ka dhalatay sida la sheegay kadib markii ay hudheel ku yaala magaalada hargeysa ay ku kulmeen si kadis ah labadan masuul isla markaana uu Jamaal Cali Xuseen musharaxa madaxwayne Xisbiga UCID uu wasiir Caddaani waydiiyay laba su;aalo oo cadho ku abuurtay wasiirka.

Waxaana  Jamaal Cali Xuseen uu waydiiyay wasiir Caddaani mar uu dul yimi kursi uu ku fadhiyay wasiirku  laba su’aalood ay kamd ahaayeen sida la sheegay

  • Maxaad gabadha wasaaradaada joogta aad ugu yeedhay booliska ee aad u tidhi lacag ayay xaday?
  • Maxaad shaqada sabab la’aan uga joojisay shaqaalahaaga qaar kamida?

Intaasi kadib wasiir Cadaani ayaa ka dhawaajiyay inaanu isagu u yeedhin booliska balse uu u yimi iyagoo goobt jooga boolisku,sido kalena waxa usheegay inaanu shaqada cidna ka joojin balse ay qaar kamida iskaga tageen shaqada.

Su’aashaa iyo jawaabteeda markii ay labadan masuul is waydaarsadeen ayuu wasiir Cadaani musharaxa Jamaal ku ganay hadalo markaasi ka cadhaysiiyay Jamaal oo ay kamid ahayeen ma sidan ayaad doonaysaa inaad bulsho madaxwayne ugu noqoto oo aad ugu cadaalad fasho.,taasi oo Jamaal ka cadhaysiiisay.

Waxana halkaasi ka dhashay buuq iyo sawaxan waxaana markiiba goobta soo gaadhay bulshadii ka agdhawayd hudheelka ay ku kulmeen labadan masuul iyaga oo dirqi ku kala qabtay labadan masuul ee kala ah Wasiir Cadaani wasiirka warfaafinta Somaliland iyo musharax Jamaal Cali Xuseen.